“Waxa jira golaha wasiiradda xubno ka tirsan oo afarta sanadood xisbiga ka dhex wadda khilaaf”-DAAWO Muuse Biixi Oo Dil-dilaaca KULMIYE Dusha U Saaray Wasiirro

0
41

Dildilaaca Kulmiye Iyo Dooda Hoggaanka Xisbigu Ku Daadifeeyay Guddiyada La Magacaabay

“Khilaafaadka xisbigu wuxuu ka imanayey xubno xukuumada ku jira,…..”Maxamed Kaahin
“Waxa jira golaha wasiiradda xubno ka tirsan oo afarta sanadood xisbiga ka dhex wadda khilaaf”Muuse Biixi


Hargeysa (Hubaal)- Hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay liiskii ay soo saareen guddidii doorashada shirweynaha oo habeen hore liis soo saaray.
Sidoo kale, waxay hogaanka xisbigu sheegeen inay jiraan xubno wasiiro ah oo khilaafka xisbiga abuuray, isla markaana madaxweynaha u tusaya inay cadow xisbiga Kulmiye joogaa ka hayaan.
Ugu horeyn Gudoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay is hayn madaxweynaha balse xubno xukuumadda ka tirsani ay abuurayaan khilaafka, isla markaana ay ku xadgudbeen shuruucda xisbiga, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan cadeeyo in xeerka xisbiga meelna ka waafaqsanayn badankooda, may ahayn go’aamo xisbigu leeyahay, sideedaba guddigaasi wuxuu shaqeeyaa oo uu awood leeyahay inta u shirku socdo, marka shirku gudoominaya maaha awood ay leeyihiin ee waxay ururiyaan go’aamadii hadalkana way qaybiyaan, waxay ahayd in go’aamaddii shirka ay soo ururiyaan, waxa kale oo aan anigu u ogolaaday maadaama oo liiskii golaha dhexe aanu soo hoyan inay soo ururiyaan, iyadoo loo raacayo sharciga xisbigu sida uu dhigayo ka dibna ka eegno, waad ogaydeen shirku wuxuu go’aamiyey gudoomiye iyo afar gudoomiye xigeen Iyo xoghaye, wuxuuu u codeeyey boqol xubbood oo lagu daray, wuxuu go’aan noqdaa marka uu shirku codeeyo shan qodob oo aan midna shirku soo qaadin ayey ku soo qaadeen, waxaad moodaa sida idaacaduhu sheegeen in khilaafkii xisbiga Kulmiye ee soo jiidamayey dib u bilaabmay, waxa is haya xisbiga iyo xukuumada, waxaan jeclahay in aan cadeeyo xukuumada waxa hogaamiya madaxweynaha iyo ku xigeenka, madaxweynaha waxa aanu isku diidnay ma jiraan ixtiraam badana waan u hayaa, mana qabo in xumaani xagiisa kaga imanayso, laakiin waxa jira golaha wasiiradda xubno ka tirsan oo afartaa sanadood xisbiga ka dhex wadda khilaafka, ka hadli maayo maanta wakhtigaa sheegi doonna”
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Maxamed Kaahin Axmed ayaa isna tilmaamay inay xubno wasiiro ahi madaxweynaha uga dhigayaan inay cadow ka hayaan, isagoo sharaxaya siday wax u dhaceen wuxuu yidhi “Shalay qaraarka ay soo saareen waxay yidhaahdeen madaxtooyada ayaanu ku qaban lahayne gudoomiyahaa diiday, anigu kow iyo tobankii iyo badhkii ayaan ka tagay gudoomiyaha.
Shirgudoonka xafiiska wasiirka hawlaha guud ku shirayeen ayaanu iskugu nimid, doraad xafiiska Cadami ayaan ugu imid, waxaanu ku heshiinay, shirkii golaha dhexe ee ka aasaasmay deegaanadii waxa lagu soo ururiyey iyaga, waxay igu yidhaahdeen caawa aynu iskugu nimaadno madaxtooyada, dabadeedna waanu isla eegno waxaanu ku nidhi liiskii gudoomiyaha iyo kuwii kale wali islamaydaan eegine miyeyna ku fiicnayn in inta liiska la isla eego ka dibna madaxweynaha u tagno oo balan la qabsanno, waxaanu isla ogolaanay in shirkii xalay (habeen hore) aan joojino, baritoole oo Sabtida ah isku nimaadno, dabadeedna xalay uun baa la yidhi odayaashii qaraar ayey soo saareen, waxay soo saareen liiskii ergooyinka oo ergo waliba deegaan soo jeediyay, waayeelkii wax garadkii deegaankaasi xubnaha dhexe u soo xusho, liiskii halkana ku qoran waxa ku yaala xubno faro badan oo ay iyagu bedeleen, liisna waa liis deegaan isku soo raacay, liisna waa liis askhaasi ay wadaan oo qof doonayo, qodobka kale waxay ku soo qoreen liiska guddida fulinta oo ay yidhaahdeen waxa ansixiyey golaha dhexe taasina aanay jirin, sida uu u abuurmayana qodobaa sheegaya, arrimaha kale waa la isku qabqabsan karaa. laakiin qodobada iyo xeerarka la iskuma qabsan karo oo nin waliba sida uu jecel yahay uma dhigi karo”.
Waxaanu intaas ku daray “Khilaafaadka xisbigu wuxuu ka imanayey xubno xukuumada ku jira, madaxweynuhu waa odayga xisbiga waa odaygii aasaasay, Muuse Biixi khilaaf ka dhex jiraa ma jiro hogaanka iyo xisbgia ka dhex jiraana ma jiro, xubno wasiiro ah ayaa tilmaamay in xisbiga cadow weeraraya madaxweynaha dalku ku jiro, yey madaxweynaha saaxiib uga dhigayaan ayaa taala, marka ay madaxweynaha gudoomiya xisbiga cadow uga dhigayaan hogaanka xisbiga uga dhigayaan cadowgiisa yihiin yaa madaxweynaha saaxiib looga dhigayaa, waxaan leeyahay dhibaato ma jirto ee xisbiganina sharci buu ku socdaa, arrintana waxay ku eektahay oo uu ku soconaya dastuurka xisbiga”.
Gudoomiyaha golaha dhexe Jaamac Shabeel ayaa isna liiskaasi ku tilmaamay sharci daro, waxaanu yidhi “364 xubnood ayey sharciyeeyeen, golaha dhexe laba qaybood buu iskugu jiraa qaybtii sideedda ayey usoo galaan waa dastuuri oo way is bedbedalaan sanadkiiba, tiradda ay ahayd inay siidaayaan 280 ayey ahayd guddida fulinta ay qoreen, guddida gobolada ee ay qoreen may ahayn shaqada guddidan, dabadeedna gudoomiyaha u soo gudbiyaan, gudoomiyaha xisbiga marka uu liisaska ka hubiyo oo uu isagu ku dhawaaaqo wakhtiga la iskugu yeedhayo shirka golaha dhexe, waxay ku qoreen khilaafaad, xisbigu xeer buu lahaa, xilka iyo waajibaadka shirgudoonka waxa sheegaya qodobka 24 aad ee xisbiga shaqadoodu waxay tahay meelna kagama jirto talaabadan ay qaadeen, dastuurku wuxu leeyahay waa la dooranayaa, haddii ay suurtogali waydo gudoomiyaha ayey noqonaysaa in uu ku meelgaadh u magacaabo, waxaad moodaa inay qodobkaasi jabiyeen, waad ogaydeen qabanqaabaddii shirka waxay noqdeen rag aan khibrad lahayn oo batalaqdoodu badatay, qoladdana khibrad la’aan baa halkaasi gaysay sabab khilaaf abuurtaa ma jirto waxay ka macaashayaana ma ogi ee waa khibrad la’aan ay isku khaldeen shaqadoodii iyo shaqadii aanay lahayn.”
Xoghayaha guud ee xisbiga Xasan Siciid ayaa isna ku dooday “waxay ahayd guddidan inay xidhiidh la soo sameeyaan hogaanka waliba aniga oo ah xoghayihii xisbiga oo xogtii xisbiga haya, waxay ahayd inay I waydiistaan halkaasi iyo halkaasi maxa ka jira, noomay iman, markii hore Ambassador ayey joogeen markii dambana xero miliatari ayey la galeen oo wasaarada gaashaandhiga ayey la galeen,mana iman halkna waxa ka soo baxay shan qodob oo aan ka soo bixin shirweynihii xisbiga oo ay iyagu samaysteen oo ay iyagu ku darsadeen oo ay leeyihiin waanu ku darsanay taasi maaha khalad ee waa dambi ay galeen oo wixii laga yeelayo dastuurka la marinayo, sida qodobka 24 dhigayo gudoomiyuhu isaga ah gudoomiyihii golaha dhexe iyo fulinta illaa inta laga gaadhayo shirka golaha dhexe, isagaa soo magacaabay guddida fulinta, gudoomiyuhu wuu galayaa shaqadiisa”.
Intaas ka dib waxa la waydiiyey su;aalo waxaana ka mid ahaa:
S: waxad sheegteen inay wasiiradu khilaafka abuurayaan, wasiirada waxa magacaaba madaxweynaha, wasiirka gaashaandhiga waxa uu wasiir u yahay madaxweynaha marka miyeydaan is hayn xukumadda iyo idinku maxaad u kala saraysaan?
J:Shirgudoonkii shirweynaha xisbiga ayaa doortay in iyagu noqdaan shirgduoon, xil madaxweynuhu usoo magacaabay maaha, waayo shirgudoonku wuxu noqon kara xubin kasta oo xisbiga ka mid ah ama wasiir ah ama guddi fulin hore ah ama gudoomiye ku xigeen ah ama xubin baarlamaan ah ama ergay caadi ah, dabadeedna xilkani waa xil uu xisbigu u magaacabay.

Muuse Biixi

HOGAANKA KULMIYE

 

 

 

 

 

 

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here