“Xaasha’e Dirawallada [Tukhaanka] Ayaa Xun Ma Lihi, Laakiin Waxaad Arkaysaa Iyagoo Gaadiidka Xagga Qaldan Ka Dhaafaya”
Hargaysa (Hubaal)-Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa amar ku bixiyey in gaadiidleyda kala duwan ee dalku ay baabuurtooda ka gooyaan bacaha loo yaqaanno beersoosha ee lagu shaqlo muraayadaha baabuurta. Taliyaha oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa waxa uu si gaar ah ugu digay wadayaasha baabuurta yaryar ee Taxi-yada ah ee loo yaqaanno Tukhaanka, kuwaas oo uu sheegay in shilalka ugu badan ee dalka ka dhaca ay qayb ku leeyihiin sababo uu tilmaamay in ay xawaare sare oo mas’uuliyad darro ka mid tahay ay wadayaasha baabuurtaasi ku sifoobeen. Sidoo kale Cabdillaahi Fadal waxa uu ku dooday in arrimahaasi iyo kuwo kale ay keeneen in ay shilalku bataan. Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in ay ka war heleen dawooyin markooda hore loogu talo galay in lagu dhayo nabarrada balse waqtiyadan danbe ay dhalinyaradu si taban u adeegsadeen isla markaana ku sakhraameen. Taliyuhu waxa uu sheegay 15 maalmood gudahood dhammaan gaadiidka waddanka lagaga guro bacda “Beer sool” loo yaqaano ee lagu shaqlay muraayadaha gaadiidka. “ Baabuurta yaryar ee Tukhaanka loo yaqaan, waxaan halkan uga baahinayaa, gaadiidkaas waxa wata dhalinyaro aanay masuuliyadi saarrayn. muddooyinkii u dambeeyay markaanu qiimaynay shilalka, aad iyo aad ayay shilalkoodu u badan yihiin, taas oo ay keenayso masuuliyad darrada dhalinyarada wadata, xaasha ma lihi, darawallada wata iyo cidda leh ayaa wada caynkaas ah oo xun laakiin, raggaa dhalinyarada ah ee wata ayayna masuuliyad badani saarnayn, waxaanad arkaysaa wadada iyagoo gaadiidka xagga qaldan iyo dhinaca kaleba ka dhaafaya,” ayuu yidhi Taliye Fadal. Waxa uu sidoo kale tilmaamay doorka Bacahaasi ka qaataan shilalka gaadiidka “Waxaan halkan ka bayaaminayaa, waxaa jirta bac la yidhaa Beersool, bacdaasi waxyaabaha shilalka keena qayb ayay ka tahay. Waxaad arkaysaa gaadhi bacdaas xataa xagga hore lagaga xidhay, oo hareeraha oo dhan lagaga xidhay oo wax allaale wax ku jira iyo cid wadda toona aanad arkayn. Waxaan u bayaaminayaa dhammaan bulshada Somaliland ee gobolada dalka jooga inay gaadiidka bacda Beersoosha ah kaga gooyaan muddo 15 cisho ah. Wixii ka dambeeya muddadaas ciidanka boolisku hawlgal balaadhan oo bacahaas gaadiidka lagaga jarayo,” ayuu yidhi Mudane Fadal. Waxa uu sidoo kale ka digay Taliye Cabdillaahi Fadal walax lagu sirkhaamo “Waxaan shacabka halkan uga bayaaminayaa waxaa jirta bahal loo isticmaalo dawaynta nabaradda oo ah bahasha Isbiirtada la yidhaa, waxaa jiray rag faro ku tiris ah oo caadaystay oo qaarkood aanu ku qabanay meheradihiina si sharci ah uga xidhnay. Waa bahashii Isbiirtada ahayd oo caruurtii dayarta ahayd laga iibinayo oo lagu baabi’inayo. Waxaan halkan ugu digayaa in qaar horena sharciga la hor geeyay, ciddii dambe ee lagu qabtana sharciga la hor gayn doono oo talaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono,” ayuu yidhi Taliye Fadal.