HUBAAL TV:DAAWO Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Oo Walaac ka muujiyay Xadhiga ay xukuumadu kula kacday Xubnaha Ururka Dhalinyarada Jiidali
War-murtiyeed ka soo baxay xafiiska musharaxa madaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal cali Xuseen ayaa walaac ka muujiyay xadhiga iyo cabudhinta ay xukuumaddu kula kacdo muwaadiniinta fikirkooda cabara,taas oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan shuruucda iyo dastuurka uu leeyahay dalka Somaliland,islamarkaana xad-gudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta iyo xoriyatul-qawlka.
War-murtiyeedkan uu soo saaray Jamaal Cali Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu walaac ka muujiyay dhalinyarada ay xukuumaddu xadhiga la beegsanayso gaar ahaan xubnihii ka tirsanaa ururka dhalinyarada Jiidali ee xukuumaddu sabab la’aan ay xabsiga u taabtay waxaana uu sheegay musharaxa madaxweyne ee xisbiga Ucid in sharci daro ay ku xidhan yihiiin xubnahaas taas oo uu tilmaamay xadhiga ay xukuumaddu ku bartilmaamsanayso dhalinyaradani uu yahay mid ay danaheeda ka arki weyday sidaa daraadeedna ay sharcigii dalka baal martay islamarkaana ay jabisay xaqii uu dastuurka Somaliland u damaanad qaaday xoriyatul-qawla
Hadaba halkan ka daawo war-murtiyeedkan kasoo baxay xafiiska musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID