Maayar Fari Ku Godan Tahay Oo Ammaan Xad-dhaaf ah Kula Duldhacay Wasiir Xaglo-toosiye
Hargeysa:(Hubaal)-Maayarka Degmada Burco Maxamed Muraad, ayaa ka Hadlay Xurgufta dhextaalla siyaasiyiinta Gobollada Bariga Somaliland kasoo jeedda, waxana uu si weyn u taageeray Wasiirka Caafimaadka Mudane Xagla-toosiye oo kamid ah Siyaasiyiinta is eedaynaya. Mudane Muraad oo ka Arrimahaas ka Hadlayey, ayaa ku talax tegay Ammaanta Wasiir Xaglo-toosiye, waxana uu sheegay inuu yahay shakhhsi shaqadiisii kasoo baxay,“Wasiir Xaglo-toosiye wasiirrada aan ugu jecelahay buu kamid yahay, waana nin dhallinyaro ah oo soo jeeda oo indhaha kala haya, waana nin shaqadiisa iyo mid kaleba haya, Ninkuna Haduu nin rag ah yahay kollay canjarafayn ma waayo” ayuu yidhi Maayar Muraad. Maayarka oo hadalkiisa sii wata, ayaa dhaliisha loo jeedinayo wasiir xaglo-toosiye usibir saaray shaqo wanaag uu sheegay inuu ku sifoobay, waxana uu yidhi,“dad badan oo xaglo-toosiye ka daba dhawaaqayo waan maqlaayey, laakiin ninka raga ah waligiiba waa jiri jirtey nin aan gaadhayni inuu ka daba qayliyo, waxanse leeyahay ninkaasi shaqadiisii waa ka adkaaday Bani’aadamkuna ilaahay ma dhamaystirin, “ Waxa uu Maayar Muraad soo jeediyey in Si weyn loo taageero wasiirka Caafimaadka, maadaama uu yahay shakhsi shaqadiisa ka adag, “ma lihi Xaglo-toosiye Boqolkiiba boqol buu dhamaystiran yahay, laakiin waa wasiir shaqadiisii haya, annagana xidhiidh fiican baa naga dhexeeya, wada shaqaynna waa wada leenahay, waxana aan leeyahay shaqadiisa hallagu taageero oo halla is barbar taago.” Ayuu yidhi Maayarku. Maayarka oo hadalkiisa sii wata, ayaa mar uu ka Hadlayey nidaamka loo xallin karo khilaafaadka siyaasiyiinta Bariga Somaliland soo jeediyey inay si cilmiyeysan wax u xalliyaan, waxanna uu intaas ku daray inay Reer Burco ahaan ku qanacsan yihiin Dhaqanka Wasiir Xaglo-toosiye, “Wixii khilaafaad ah inay masuuliyiintu hoos u dhameeyaan baa wanaagsan, Dadkuna haddii ay masuuliyiin yihiin inay warbaahinta wax isu mariyaan ma aha, Gacmo geel jirena Hoos baa loo dhaqaa baa la yidhi, xaglo-toosiyena waa wasiir haddii aanu Reer Burco nahay aanu ku Qanacsanahay.” Ayuu yidhi Maayar Maxamed Muraad.