W/Q:Garyaqaan Sacad Yaasiin Maxamuud
Nisiib Darrada Dadkan Iyo Dalkan Heysata Waxa Kow ka Ah Taageerida Dulmiga Gudoomihii Dhamaa ee Sharci Dajinta ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ay aheyd In uu Isagu Kow ka ahaado La Dagaalanka Dulmiga ayaaba Maanta ahaa Kii u Horeeyey ee Taagerra Dulmiga iyo Xaq Darrada Kadib Markuu 15253596_1546457358704711_204486359800297228_nMaanta Si Weyn oo Cod Dheer uu Ku Dafirey Dulmiga Iyo Xaq Daradii loo Geystey Dhibane Muwaadin Jaamac Jiir oo Si Arxan Darro ah Bila’aadamnimadana ka baxsan loogu Dhex Garaacay Magaalada Hargeysa Isagoo Yidhi Nimanka Looso Qabtey Ma Ogi Wax ay Sameeyeen Balse Sharci Darro ayaa Loo Heystaa Illaa Imikana Ugu Xidhanyihiin Saldhiga dhaxe ee Hargeysa Illaahbaan Idinku Dhaarshe Miyu Kaas Nooca ahi Istaahila In Uu Dalkan Madax ka Noqdo Sida Indha La’aanta ah u Taageeray Nimankaa Dulmiga ka Galley Muwaadinkan Miskiinka ah ee Loo Diley Fikirkiisa oo uu Sheegay Miyaanu Cirro aheyn Ninkii Difaaci lahaa Xoriyatul Qowlka ama Fikirka Shaqsiyanka ah ee Muwaadiniinta Reer Somaliland. Waa Ayaan Darooyinka Ina heysta ee Abaaraha So Noq noqonaayana Inoogu Wacan, Waxa uu Si aan Muran ku Jirin Ninkaasi U Garab Istaagey Dulmi Iyo Xaqdaro ay Geeysteen Inamo yar yar oo Kibir Iyo Adyad Ku Dilley Muwaadin Ka Aragti Duwan waxaan Xukuumada Iyo Ciidanka Nabad Galyada Iyo Garsoorkaba Si Buuxda Uga Codsanayaa In Sharciga Iyo Caddaalada La Mariyo Nimankaas waxaanan U Mahadnaqayaa Ciidamada Nabad galyada ee Baaqii aanu Hore Uguso Jeedinay Iyo Xaqdarada loo geystay Muwaadkanba Si Dhakhso ah uga Jawaabey iyagoo Gacanta kusoo Dhigey Nimankii Danbiilayaasha ahaa. Waxaana Umada Iyo Shicibkana u Cadaatey In Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani yahay Mid Dulmiga Taageera ,wuxuuna Cirro Illaawey in uu Muwaadinkan La Dulmiyey uu Isagu Gudoomiye u Yahay Biritana Uu Madaxweyne u Noqon doono balse Xagaas Kamuu eegiin ee waxa u Muuqdey Dulmiga uu Gacanta Siinaayo Waxaan kuso Xidhayaa
Cuqubo Xagii Lagu Galley
Caw Ku Hurudaa
Caruurtey Ka Leysaa
Ninkii Caano Baas Dhama