Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Siciid Warsame Gaane oo kamid ah Golaha Wakiillada Somaliland, kasoo jeeda Bariga Gobolka Sanaag, ayaa ka dayriyey xaaladda waddanku haatan ku jiro, isagoo si gaar ah uga Hadlay Dhinaca Nolosha Aasaasiga ah oo hoos u dhacday iyo Go’doono uuu sheegay in Xukuumaddu waddanka Gelisay.
Xildhibaanka oo u warramay Hadhwanaagnews, ayaa ugu horrayn ka Hadlay Go’aankii dhawaan Xukuumaddu waddanka ugu diiday inay Qaxootiga soomaaliyeed ee Yemen kasoo yaacayaa soo galaan, waxana uu Go’aankaas ku sheegay mid aan cilmiyeysnayn.
Xildhibaanka oo arrimahaas ka Hadlay, ayaa ugu horrayn sheegay in markii Go’aankaas la qaadanayey meel lagaga dhacay Distoorka dalka, isla-markaana aan la eegin qoddobo distoori ah oo ixtiraamka Xuquuqda Bani’aamka la xidhiidha,
“waxa wax lala yaabo ah in Masuuliyiin waaweyn oo Dawladda ahi isla soo taagaan Qaxooti inooma soo geli karaan. Waxana ka muuqata aqoon la’aaanta Dawladda ka Haysata Xeerarka caalamiga ah iyo kuwa Distoorkeenaba, waxana nimankii arrintaas ka Hadlayey ay meesha ka saareen in Marka uu islaamnimo ka tago ee Derisnimo ka tago ee bani’aadamnimo ka tago disroorkiisu inuu dhigayey in heshiisyada caalamiga ah ee Xuquuqal insaanka, taasna waxa sheegaya qoddobka Tobnaad Faqraddiisa Labaad.” Ayuu yidhi Xildhibaan Gaane.
Xildhibaanbka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in markasta oo qaanuunka caalamiga ah laga sii fogaado, ay taasi keenayso in Xukuumadda laga dhex arko Go’doon ay shacabku gelayaan, waxana uu yidhi,
“markay xukuumaddu ka baxdo qaynuunadii caalamiga ahaa ee Distoorkeenu sheegay waxay u egtahay kuwii labada boqol ee Hablood afduubay, Xukuumaddiina waxay u xuub-siibatay dad abaabulan oo caalmkiina kasii jaraysa.”
Dhinaca Kale waxa uu xildhibaanku ka Hadlay sicir-barar iyo qiimo korodh ku dhacay Mashiishadda, waxana uu masuuliyadda arrintaas dusha ka saaray Xukuumadda,
“Sicir-bararka Xukuumaddaa wadda, waayo ilaa iyo imika Adduunka lama arag Dawladda Miisaaniyadeeda ku darsata lacag lasoo daabacay, ilaa imikana war looma hayo lacagta lasoo daabacay” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Xildhibaan Gaane, waxa uu soo qaatay Tusaaleyaal Muujinaya Heerar kala duwan oo Maciishaddu soo martay muddadii xukuumaddu talada Haysay, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlay uu yidhi,
Xukuumaddani markii ay waddanka qabsatay Kiilooga Baastada ah 3000-Kun baa la siin jirey Maantana waa 10,000. Waxaas oo dhamina waxay saaran tahay masaakiinta Noloshoodu Hoosayso.”
Xildhibaan Siciid warsame Gaane, ayaa waxa uu kamid yahay Mudanyaasha Xisbiga waddani ugu jira Golaha Wakiillada, waxana inta Badan uu dhaliilo ujeediyaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Hannaanka ay wax u maamusho.