Waxaa Uu Digtoorku Guul Kasoo Hooyey Fikir Uu Ka Aaminsanaan Jiray Hoggaaminta Dalka Oo Abqaalkiisi Lagu Caaridday, Haatanse Loo Soo Noqday Yaqiintiisii
“Ninka la yidhaahdo Muuse Biixi Cabdi iyo ninka layidhaahdo Maxamed Kaahin Axmed, waxaa weeye niman ay taariikhdoodii hore ahayd military, Aragtida-se Odhanaysa Kuma Habboona Hoggaaminta Dalka, Anigu Waxaan Qabaa In…”
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee golihii ugu horreeyey ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa ku faanay guullo siyaasadeed oo uu tilmaamay in uu shakhsi ah aan kasoo hooyey fikrad siyaasi ah oo uu hore u aaminsanaa kelligi balse haatan yeeshay shacbiyad badan oo hore uga soo hor jeeday, kuwaas oo yaqiinsaday afkaaro sahayday xilkiisii wasiirnimo. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu sheegay in loo soo noqday aragti hore ay ugu diidanayaan badi xubnaha xisbiga KULMIYE iyo dabcan hoggaanka u sarreeya qaranka JSL, kkaasi oo haatan mashriq iyo maqrib laysu raacay midho dhalkiisa. “Aniga waxaa ay ii ahayd guul siyaasadeed oo shakhsiyan ah, waxaa [hadda] soo baxay afkaarihii siyaasiga ahaa ee aan hore u qabay hoggaanka dalkani n uu ku socdo, [kuwaas] oo beryaha qaar aan keli ku ahaa [ayaan] taageero ballaadhan uga helay guud ahaan dalka Somaliland oo dhan, min bari illaa galbeed oo shacabka reer Somaliland iyo xisbiguba ay soo dhaweeyeen, oo weliba illaa madaxweynaha Somaliland uu u arkayay fikir siyaasadeed oo waqtigiisii yimi” sidaasi ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, wasiirkii hore ee wasaaradaha khaarijiga iyo ganacsiga ee xukuumaddan madaxweyne Siilaanyo, oo u warramay xalay telefishanka STAR. Dr. Cumar waxaa uu hoosta ka xariiqay in beesha caalamku ay niyad sami ka muujiyeen doorashada uu golaha dhexe ee xisbul-xaakimka KULMIYE ku cumaamaaday musharraxiisa uga qayb galaya doorashada madaxtooyada ee la quudaraynayo in ay dalka ka qabsoonto 2017. “doorashada loo doortay Muuse Biixi Cabdi in uu noqdo Musharraxa Xisbiga KULMIYE, waxaa ay taageero caalami ah ka heshay dalal fara badan oo caalamka ka tirsan, wixii ka dembeeyey doorashadiisana waxaa guddoomiyaha iyo kooxda la shaqaynaysa soo gaadhayay dhambaallo lagu soo dhawaynayo taageerada oo meelo kala gedisan oo caalamka ah ka yimi, arrintaasina waxaa ay muujinaysaa taageerada dibadeed ee ay musharraxnimada Muuse Biixi la kulantay, iyada oo loo arkayo hoggaamiye maanta [ku habboon wax ka qabashada] baahida dalka Somaliland taalla, haday tahay arrimaha gudaha dalka yaalla sidii loo maamuli lahaa iyo haday tahay nidaamka dawladnimo ee Somaliland. Guddoomiyuhu waxaa uu leeyahay koox waayo arag u ah arrimahaas oo dhan, haday amuuro dibadeed tahay iyo haday arrimo gudeed ku saabsan tahayba. Guud ahaan xisbiga KULMIYE waxaa uu leeyahay ruugcaddaa siyaasadeed oo dhaqan iyo siyaasadba khubaro ku ah oo guddoomiyaha kala shaqayn doonta sidii uu arrimahaa u gudan lahaa”. Ayuu hadalkiisa ku ladhay wasiirkii hore ee khaarijigu. Gebogabadiina waxaa uu Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxaa uu barbar istaagay siyaasadda hoggaammineed ee guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, iyo fikirka ay dadka dhaliila siyaasaddiisu ku dacaayadeeyaan in uu yahay Askari nidaamkiisu qallafsan yahay, “ Hoggaanka xisbiga KULMIYE, Ninka la yidhaahdo Muuse Biixi Cabdi iyo ninka layidhaahdo Maxamed Kaahin Axmed, waxaa weeye niman ay taariikhdoodii hore ahayd military oo waa run taasi, su’aashuse waxa ay tahay nooca hoggaamineed ee dalkani u baahan yahay. Madaxweynaha immika jira ee Axmed Siilaanyo fikradiisa siyaasadeed ee uu qaranka ku hoggaaminayo, maaha mid uu ku soo bartay dawladdii Soomaaliya ee uu wasiirka ka ahaa [hase yeeshee] fikradda uu hadda dalka ku hoggaamiyaa waa tii uu ka bartay halgankii SNM Ee ay shacabka reer Somaliland u galeen xorriyadooda, waa tii uu ku hoggaaminayay garabka militariga iyo ka siyaasiga ahba ee SNM, waa kii uu dhawr iyo labaatankii sanno ee u dembeeyeyna uu ka helay khibrada, ee uu kaga qayb galay siyaasadda hoggaamineed ee maamulladii dalka soo maray ee uu ku galay Baarlamaanka iyo haday xukuumadihii kaleba tahay. Markaa khibradda siyaasiga ah ee Axmed Siilaanyo halganka iyo siyaasadda Somaliland ee gudaha ka jirta oo uu kaalin hoggaamineed kaga jiro, markaa nimanka la yidhaa Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi Iskuulkaas uu Axmed Siilaanyo kasoo aflaxay bay iyaguna ka soo baxeen. Markaa aragtida odhanaysa hoggaankaasi kuma habboona hoggaaminta dalka, anigu waxaan qabaa inay tahay aragti aan ku dhisnayn cilmi……nooca hoggaamineed ee ay Somaliland u baahantahayna waa Strong Leader [hoggaamiye xooggan] oo Somaliland mideeya. Dhinaca arrimaha dibada oo ay dad xoqayaan hoggaaminteeda, ninna keligii wax ma dhiso, hoggaamiyahana waxaa looga baahan yahay in uu dhiso hay’ado dawli ah [Institutions] iyo masuuliyiin qaran oo arrimahaas kasoo bixi karta, markaa Muuse Biixi isaguna waxaa uu leeyahay khubaro [Experts] kooxo ah oo dhan walba kala talinaya. Kolkaa anigu waxaan qabaa hoggaamiye uu dalku u baahan yahay hoggaamintiisa” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay wasiirkii hore ee khaarijiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.