“Waxaa Hargeysa La Isugu Faanaa Intaan Ku Dilo Ayaa Midawga Yurub Iyo UNDP Jeelka Igu Biilin Doonaan..”

0
26

“Xuquuqal Iisaanka Midawga Yurub sheegayo anigu ma garan mid uu yahay. Laakiin, waa go’aan lagu soo weerarayo dawladda Diinteeda iyo dhaqankeeda ilaashanaysa ee Somaliland…” Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho)

Hargeysa,(Hubaal)- Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Aadamaha iyo Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaa cambaareeyey War Midawga Yurub ay ku dhaleeceeyeen, isla markaana kaga soo horjeesteen fulinta Xukunno qisaas ah oo ay dawladda Somaliland ku fulisay 13-kii bishan April lix qof oo hore dilal u geystay, ka dibna ay Maxkamadaha Sharciga ah ee dalku xukun dil ah ku rideen.

indho indhoXildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Midawga Yurub hawl u taalla aanay ahayn faro-gelinta shuruucda u gaarka ah Somaliland iyo weliba Amarka Allaah ee ku dhaqanka Shareecada Diinta Islaamka, hase-yeeshee, haddii ay dhawrayaan Xuquuq Aadame Midawga Yurub arrinta u taallaa ay tahay inay si buuxda u aqoonsadaan Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

“Wuxuu go’aanka Midawga Yurub noola muuqdaa mid duullaan ku ah oo ka hor-imanaya dhaqankayaga iyo Diintayada. Waxaannu leenahay Midawga Yurub keligood ma yaqaannaan Xuquuqda Aadamaha. Xuquuqal Iisaanka Midawga Yurub sheegayo anigu ma garan mid uu yahay. Laakiin, waa go’aan lagu soo weerarayo dawladda Diinteeda iyo dhaqankeeda ilaashanaysa ee Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan.

Md. Indho-indho oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay Midawga Yurub haddii uu Xuquuqal Iisaan garanayo dadka Somaliland ee Laasqoray illaa Lowyacaddo isaga yimid ee Xuquuqdoodii Aadamaha la soo noqday ee dawladda samaystay, ee nabadgelyo ku ilaashanaya, wixii Beesha caalamka ay ugu baahnaayeen oo ah Ictiraaf ay Midawga Yurub ka hagranayaan, hadday Somaliland wax tarayaan ictiraafka ay Shuruudihiisii buuxisay, Xuquuqal Iinsaanka way ku jirtaaye waa inay taas ka hadlaan.”

Mar uu Xildhibaan Cabdiqaadir Indha-indho ka hadlayey saamaynta ay dalka iyo dadka Somaliland ku yeelatay fulin la’aanta Xukunnada Qisaasta ah dhawr iyo tobankii sanno ee u dambeeyey, waxa uu yidhi; “Qofkii qofka dilay ayey Midawga Yurub iyo UNDP Jeelka lacag ku siiyaan oo magaalada Hargeysa la isugu faanaa intaan ku dilo ayaa Midawga Yurub iyo UNDP Jeelka igu biilin doonaan, yaannu maanta maraynaa.”

Xafiiska Midawga Yurub u qaabbilsan hawlgalka Soomaaliya oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa War qoraal ah oo ay soo saareen Arbacadii toddobaadkii hore waxay ku sheegeen inay si adag u cambaaraynayaan go’aanka ay Somaliland ku fulisay xukunnada qisaasta ah ee lagu dilay lixda qof ee dilalka ay geysteen loo xukumay, iyagoo ku tilmaamay in tallaabada ay Somaliland qaadday sharaf-dhac iyo xad-gudub ku tahay Xuquuqda Aadamaha, isla markaana ay dib u dhac ku tahay horumarka iyo fiditaanka Sharci ee Somaliland, sidaa awgeedna ay ugu baaqayaan in ay Somaliland ka noqoto wixii kale ee fulin qisaaseed ah, dibna u eegto go’aankaas, sidoo kalena waxay muujiyeen raad dib loo raacay ka dhigayso tallaabadani Somaliland oo ay xuseen inay joojisay sagaalkii sano ee u dambeeyey fulinta dilalka qisaasta ah.

Hase-yeeshee, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Somaliland, ayaa Khamiistii inna dhaaftay ka jawaabtay Baaqa iyo Cambaaraynta Midawga Yurub, waxaanay ku doodday in iyadoo ixtiraamaysa taageerada iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa Midawga Yurub iyo Beesha caalamkaba ay Somaliland leedahay Sharci iyo nidaam dawladnimo oo u gaar ah, isla markaana dilka lixdaa qof loo fuliyey si sharciga dalka Somaliland iyo ka Diinta Islaamkaba waafaqsan, qaybna ka yahay go’aanka fulinta qisaastu adkaynta iyo ilaalinta nabadgelyada dalka iyo dadka Somaliland, arrin ay Somaliland ka noqonayso ama ay joojinaysana ahayn ee ay tahay sharci lagu dhaqmayo oo qayb ka ah horumarka nabadgelyada iyo midnimada Bulshada Somaliland.

source:himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here