“Waxaa Soo Socota ‘Haddaad Wax Dhaama Weydo, Qodaxi Meesheed Dheh Oo KULMIYE Tag, Ama Dib Uga Wada-fadhiiso [Siyaasadda]”

0
38

“Anigu Kamaan Talin Taydee, Musharraxnimada Jamaal Markaan Eegay Hore Ayaan Taladaydii Oo Lillaahi Ah U Siiyey” – Muj. Cali M. Yuusuf (Gurey)

 cali-guray

 “Somaalidu yaab bay leedahay! Qofku ilaa uu dharka tuuro oo isaga oo qaawan oo muddug ah ay arkaan inu waalan yahay ma rumaystaan. Faysal oo kale waxay yidhaahdaan mana waala sideenana maaha. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dhakhtar caafimaadka maskaxda ah nin ku yidhi: Faysal waanu heshiinay. Dhakhtarki wuxu ku yidhi ” oo waa sedex Faysal eh kee baa heshiiseen?” Faysal bakhtigiisa inu iska rogrogto oo loo daayo wuxu ku dhaamo anigu garan maayo. Hadii kale waaliyiba waalidiisa kale ayay kuu dhiibi si looga dhamaan karaana ma jirto mana daalayo oo waa qof aan xiskiisu dhamayn oo waalan oo foosto gun la’ biyo ku dhaaminaya. Ninka yidhaa waan la gudhinayaa dee horta Ilaahay waali ha waydiisto oo ha la waasho hadii kale qof xiskiisu dhan yahay isaga ayuun baa daali ee la gudhin kari maayo. Dad uu isagu meelaha ka soo urursaday ayuu doonayaa inta uu qol la galo uu yidhaa ii cumaamada. Isaga waxba kamay gelin Xukunkii Maxkamadda Sare oo xuntay in labada garab ay hawlgeliyaan guddi qabanqaabo oo 10 xubnood ah si is Le’egna ay labada dhinaca u soo magacaabaan oo dhinacba shan xubnood soo magacaabo. Halka uu marayana waa arkaysaan. Ku lahaa ” Xukunkii Maxkamadda Sare ayaan fulinayaa”. Lixdankii cishana waa gabaabsi mana aha suurtogal in xukunkii maxkamadu uu sidiisii u fuli doono. Maxaa talo ah markaa? Awal laba daran mid dooro waynu naqaanaye waxa soo socota AFAR DARAN MID DOORO. Afarta kala daran waa

  1. Ina Cali Waraabe bakhtiga UCID ku qabso ku qadi mayside
  2. WADANI tag oo mucaaridka u hiili
  3. Kulmiye tag oo qodaxi meesheed dheh hadaad wax dhaama waydo
  4. Sedexdaa midna ha yeelin ee intaba iska daa oo ciyaatani xumaataye dib uga wada fadhiiso.

Haddii aanay noqon ka ugu dambaysta khasaaraya ee bakhtiga u hadhaa Ina Cali Waraabe ha noqdo garan maayo tu kale ilaa hadda cid haysa oo iila timi oo aan ku diidayna ma jirto. Inta ka hadhsan 60kii maalmood hadii talo midaysan la waayo anigu dogob beeri maayo waayo lama arag dogob ingagay oo xaabo laga dhigto mooyaane mid inta la beeray damal hadhwayn noqday oo cadceeda laga hadhsaday ama hoostiisa la isla tegay gondaha la is dhigay gudoon lagu soo qaatay. Muxuu yidhi Hadraawi:  MAXAAN DOGOB BEER IS IDHI, DARUURO U SOO SASABAY. Walee aniga ayaan dogob intaan beero daruuro u soo sasabin haddii tawraad iyo Injiil la igu akhriyo. Dogob Ina Cali Waraabe ha beero bal midhuhuu u dhalo aan eegno eh. Ninkii la beerayana waa isaga iyo garashadiisa kuma haysto anigu.

Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal AHN eh isaga oo markaa ahaa Xoghayaha Guud ee SNL ayay Somaliland xornimada qaadatay26/6/60kii. Waxa ku xigeen markaa u ahaa nin AHN eh la odhan jiray Jaamac Saalax( midhiq) loo mujaahidiintii SNM ee waawaynayd markii dambana ka mid ahaa. Cigaal ayaa in uu Raiisal wasaare noqdo iyo inu Xoghayahii Guud ee xisbiga sii haysto inu mid qaato ay noqontay. Dabeed Jaamac buu talo waydiiyay uu yidhi maxay kula tahay. Wuxu ugu jawaabay “Ninkaad kala tashan lahayd aniga maaha” wuxu u jeeday dee hadii aad ka tagto saw ninka kursigaaga ku fadhiisan doonaa aniga maaha? Markaa anigu ma noqon doono ninka musharaxnimada Jamaal haduu ka tago dhaxli doona sidaa daraadeed kamaan talin anigu tayda ee isaga tiisa oo keliya markaan eegay waan siiyay taladaydii oo lilaahi ah. Hadii uu tu ka wanaagsan helo xor buu u tahay oo wuu qaadan karaa

Caligurey

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here