“Waxaad Moodaa In Guddoomiye Cirro Iyo Xukuumaddu Ay Wada Socdaan” Cali Guray

0
24

Hargaysa(Hubaal):-Guddoomiyaha Saddexaad ee xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Mujaahid Cali Guray Ayaa ka hadlay Khubadii Uu Madaxwaynaha somaliland kaga hadlay Xaalada Dalka waxaana uu khubadaas ku tilmaamay Mid aan Macno Badan ku fadhiyin.

Waxa Kale oo uu gudoomiyaha Golaha wakiilada ku edeeyay inuu Xukuumada La safan yahay isla markaas Doorasho Diyaar u ahayn.

Sidoo kale Waxa uu sheegay Inaanu Madaxwaynaha somaliland Waxba ka ogayn Xisbiga Kulmiye ee musharaxyo kale ka dhex guuxayaan Xisbiga waxaana uu yidhi.

“Waxaan u sheegayaa haddii Musharax Sacad Muuse Ah la doonayo,Anigaa Musharax ah ee Ninka I reebayow kaalay,Mar haddii Qolonimo iyo Reer-nimo la isku soo sharaxayo Anigaa Musharax ah.haddii Xisbi-nimo la isku sharaxayana Kulmiye waxaa u musharax ah Madaxweyne Siilaanyo, Ucid-na Jamaal,sidaas baanan u sheegayaa kuwa waxaas wada”

Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi“Arrimaha Madaxweynuhu kaga hadlayay Khudbadiisa waxaa ka mid ahayd inay doorashadii ka go’aan tahay,in labadii doorasho lawada qabtana uu doonayo,sidoo kalena uu yahay Musharax laakiin,Xisbigiisana waxaa laga wadaa wax kale.Dad gaar ah baa Xisbigii ka dhex shaqaynaya.

 Cali-Guray11

Cali Guray oo sii hadlaya ayaa yidhi “Madaxweynuhu waxbadan ma Oga,sida uu isaguba sheegay ,in Wariyeyaashii ugu badnaa la xidh-xidhay oo Gabiley qaar lagu xidhay oo Gar adag qaar lagu xidh-xidhay ma Oga,Madaxweynuhu ma Oga inta Aqal ee RRU-du u daadatay ee Kan Mulkiilaha Horn Cable ugu dambeeyay,Madaxweynuhu ma Oga in Xisbigiisu wax kale wado Xukumadduna wax kale wado”

Dhanka kale waxa uu Cali Guray dadka doorashada caqabadaynaya ku daray Guddoomiyaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro,isagoo sheegay inuu qayb ka yahay hawlaha carqaladaynaya Doorashada isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi “Anaga (Ucid) iyo Waddani waanu wada soconaa,waxaanu nahay Doorasho u joog laakiin, waxaa Nasiib daro ah Gudoomiyaha Waddani waxaad moodaa inay Xukumadda wada socdaan oo ay wax kale isku Ogyihiin oo aan ahayn waxa ay isku Ogyihiin Waddani iyo Ucid oo ah Doorasho.Gudoomiye Cirro isagaa Gudoomiyihii ahe waxaanu filaynay inuu doorashada nala Riixo oo isagaa dadka la haysto ka mid ahe uu is baraxo laakiin, aad baanu uga xunahay Xukumaddan,Guurtida iyo Wakiilada oo Xeerkiina isku dhex wareejinaya oo midba mid ka kale ku riixayo,Komishankii inuu hawshiisa galena iyagu ka hortaagan” ayuu yidhi Cali Guray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here