“Waxaad Ogtihiin In Ay Warbaahintu Is Weydiinayso Mawqifka Aan Xisbiga WADDANI Ka Qabo [Sidaas Darteed] Waxaan Idiin Cadaynayaa Sababihii Aan Uga Maqnaa Shaashaddu Inay Ahayd………..”

0
159

Cabdirashiid Xasan Mataan oo Iska Casilay Xilka iyo Xubinnimadiisii Xisbiga Waddani iyo Waxa ku Kallifay

 

“Siyaasaddu   Waa Mid Mar Walba U Baahan Qiimeynteeda  Iyo Go’aan Qaadashadeeda, Qaran Hoggaamintiisuna Waxay U Baahan Tahay Hadaf    Ay Ka Reeban Tahay Danaysi Shakhsi Oo Lagu Danaysanayo Xisbiga Laguna Gaadhayo Tartan”

 

Hargeysa(Hubaal):- Xoghayihii Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa shalay Shaaca ka qaaday inuu si rasmi ah isaga casilay oo uu uga baxay Xisbigaas oo uu ka mid ahaa illaa horraantii 2016-kii, ka dib markii uu bila ka hor wakhtigaa iska casilay Musharraxnimadii jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga UCID oo uu u taagnaa.

Cabdirashiid Xasan Mataan oo inkastoo uu xilkaas Xoghayaha Garabta Saxaafadda ugu magacawnaa Xisbiga Waddani, haddana intii sannadkan lagu jiray aan ka dhex-muuqan Waddani, ayaa maanta mar uu Warbaahinta qaar kula hadlay magaalada Hargeysa caddeeyey inuu muddadaas aanu ka dhex-muuqan hawlgallada Xisbiga-ba uu saluugsanaa nidaamka hoggaamineed iyo higsi ee Xisbigaas, laga bilaabo shalayna uu ka baxay. “Waxaan ahaa Mucaarad adag waxaanan jeclaa inaan halkii ka sii wado mucaaridadii anigoo u holladay inaan xisbiga WADDANI galo 9-kii  bishii 2aad, 2016-kii halkaasna si weyn baa la iigu soo dhaweeyey waxaanan is lahaa waxxaad xoojin doontaa xisbiga waanad ku biirin doontaa wixii sixitaan ah”. Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan, waxanau intaa uu ku daray “Waxaad ogtihiin  in muddo sannad ku dhawba ay warbaahintu is weydiinayeen mawqifka  aan xisbiga Ka qabo maadaama oo aanan ka dhex muuqan shaashadihii xisbiga WADDANI. Haddaba maanta waxaan idiin cadaynayaa sababihii aan uga maqnaa shaashadda xisbigu inay ahayd saluug aan ka qaaday hanaanka maamul, nidaamka ololaha, hadafka xisbiga  iyo hoggaamintiisaba. Sidaas darteed maanta [shalay] oo sabti ah bisha siddeedaadna ay tahay  5, 2017ka waxaan ku qancay inaan la sii socon Karin xisbiga WADDANI,  waxaanan halkan ka cadaynayaa inaan ka baxay  xisbiga WADDANI”. Geesta kale Cabdirashiid Xasan Mataan waxaa uu ka hadlay isbedellada had iyo jeer ku yimaada mawqifyada siyaasiga ah ee qofka iyo sida loogu baahanyahay in la qiimeeyo “Siyaasaddu maaha mid taagan waa mid mar walba u baahan qiimeynteeda  iyo go’aan qaadashadeeda, qaran hoggaamintiisuna waxay u baahan tahay hadaf  ay runtu hoggaaminayso, hadaf ay ka reeban tahay danaysi shakhsi oo lagu danaysanayo xisbiga laguna gaadhayo tartan”. Ayuu hadalkiisa ku ladhay

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here