Wasiir Xaglo-Toosiye Oo Si Adag Uga Hadlay Warar Uu Sheegay In Sumacadiisa Lagu Xajiimaynayo
“Waxa Dhacday In Baabuur uu lahaa AHUN QEYBE oo Qori-lugud lagu qabtay oo la yidhi Xadkuu ka baxayay, kadib Qeybe wuu hadloo waxa uu yidhi oo xadka Somaliland ma Qori-lugudbaa, Aniguna maanta waxaan leeyahay waar xadka Somaliland Ma Burcaa?”
Hargeysa (Hubaal) Wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise (Xaglotoosiye) oo maalintii shalay xilkii wasaaraddaasi ku wareejiyey wasiirka cusub ee loo soo magacaabay Dr. Xasan Ismaaciil, ayaa si adag uga hadlay warar uu sheegay in la buunbuuniyey oo lagu xajiimaynayo sumcadiisa, kuwaas oo ku saabsanaa laba baabuur oo ciidamada amaanku ku qabteen magaaladda Burco, iyadoo ay ku eedeeyeen in lala baxsanaayay.
Wasiir Xaglo-toosiye oo khudbadii shalay uu ka jeediyey xil-wareejintiisa u badnayd garnaqsi iyo bane, waxa uu shegay in wax laga xisgoodo ay tahay in looga baqo dagaal iyo nin hanta qaran dhacaya, taasi bedelkeedana uu u arko inaanay qaban warka laga sheegay.
Wasiirkii hore ee caafimaadku waxa uu garnaqsigiisa usoo daliishaday dhacdo tan oo kale ah oo ku dhacday guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada Axmed Maxamed Aaadan (Qaybe) oo xili xiliyada kamid ah baabuur uu lahaa diray, dabadeedna loo istaagay meel dhexe oo la sheegay inuu xadka ka talaabayay.
“Aniga waad I garanaysaan oo dalkan Somaliland tacab badan baa igaga jira, han siyaasadeed baan leeyahay oo waad ogaydeen oo waxaan isu sharraxay madaxweyne ku xigeen welina hankaasi wuuigu jiraa oo inaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka ka noqdo dalka waan raadinayaa”. Sidaas ayuu yidhi Wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka somaliland Dr. Saleebaan Ciise Xaglo toosiye, waxaana uu intaa ku daray “Anigu hantiille ayaan ahay oo hantidaydii Hargeysa ayay taallaa, guryahayaga ayaa ka dhisan, ubadkayga ayaa jooga, xaaskaygaa degen oo anigii baa degen. Anigu Hargeysa waan ku dhashay, waan ku koray, dugsiga hoose dhexe iyo sarena waan kaga baxay…..waxaan sidaas u leeyahay waxay tahay oo aan aad uga naxay oo ula yaabay ninka yidhi [Xaglo-toosiye] wuu baxsanayay, arrintaasina runtii ima qabato. Baabuurro aan anigu mid leeyahay midna ay wasaaraddu leedahay oo aniga oo wasiir ah amarkayga ku baxay ayaa inta Burco lagu qabtay la yidhi way baxsanayeen, taasina maaha wax cusub ee alla ha u naxariistee Qeybe [Axmed Maxamed Aadan] oo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ah ayaa waxa dhacday in Gaadhi uu leeyahay diray dabadeedna Qori-lugud baa lagu qabtay waxa la yidhi Xadkuu ka baxayay oo waa lala baxsanayay, Qeybe wuu hadloo waxa uu yidhi oo xadka Somaliland ma Qori-lugudbaa, Aniguna maanta waxaan leeyahay waar xadka Somaliland Ma Burcaa?.” Ayuu wasiir Xaglo-toosiye ku garnaqsaday isaga oo meesha ka saaray in haba yaraatee aanu filayn in Madaxweyne Muuse Biixi uu arrintaas wax ka og yahay laakiin ayuu yidhi “waxaan idiin sheegayaa anigu inaana halkan ka tegeyn, in aanan ajanabi ku ahayn waayo ajanbiga ayaa la yidhaahdaa wuu baxsanayaa oo xadkuu ka baxayay. Waxaan leeyahay inta aaminsan in Somaliland ay beelli leedahay aad baan u necbahay ee nacdali ha ku dhacdo, waxa kale oo aan necbahay kuwo annaga ah oo kasoo jeeda xagaasi oo iyaguna aaminsan in ay meeshan Beelli leedahay , waar meesha waynu wada leennahay.. waxyaabaha qosolka leh ee kale waxa ka mid ah in layidhi baabuurtaasi Buuhoodluu geynayoo kurka ayuu jarayay oo qoryo ayuu saaryay, waxaanse idiin sheegayaa haddii aan immika dagaallamayo waxan ka bilaabi lahaa Masallaha”. Ayuu yidhi wasiirkii hore.