Berbera(Hubaal):- Aqoonyahan Mustafe Xasan Abokor ayaa markii ugu horaysay shaaciyey inuu yahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socota.
Mustafe Xasan ayaa waxa uu sheegay inuu la tashi badan, kadib uu qaatay inuu isu soo sharxo doorashada Golaha Wakiilalda.
Haddab, Qoraal kooban oo uu Mustafe Xasan Abokor soo saaray ayaa waxa uu kaga hadlay shaacinta Murashaxnimadiisa, Tallooyinkii uu la yeeshay Waxgaradka iyo Aqoon-yahanka beesha iyo arrimmo door ah, waxaanu ku bilaabay sidan “Maanta oo taariikhdu tahay 15-ta biisha December 2016-ka waxaan shaacinayaa inaan ahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee fooda innagu soo haysa haddii Alle idmo. Arrinta ku saabsan Murrashaxnimadayda waxay ka dhalatay wada-tashi aan la sameeyey Dad kala duwan oo aanu isku beel ka soo jeedno, kuwaasoo igu dhiiri-geliyey in maanta fursaddaasi ii banaan tahay.”
“Marka ugu horaysa waa waajib in qofku wax doorto lana doorto,waxaanay ka mid yihiin Xuquuqaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ka siman yihiin Dastuuriyan. Annigoo qodobkaas ka duulaya, waxaan halkan ka caddaynayaa in aan u taaganahay ka mid noqoshadda Murashaxiinta doorashadda Wakiillada ee soo socota haddii Ilaahay Idmo.”Ayuu yidhi
Isaga oo hadalkiisa sii watana“Waxaan Ogaysiinayaa amaba aan ku War-gelinayaa Taageerayaashayda iyo Asxaabtayda gaarka ahba, inaan ahay Murashax u taagan doorashada Golaha Wakiillada 2017-ka,waxaan ahay ninkii ugu horeeyay ee Waxgaradka beeshiisa Ciise Muuse (Yoonis Jaibriil)ku war-geliyay damaciisa siyaasiga ah, waanay igu taageereen dhammaantood, waxaana u muuqatay in baahi loo qabo Xildhibaan danta qaranka iyo tan deegaankaba ka shaqeeya.”