DAAWO: khudbad xildhibaan Maxamed Faarax Qabile kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrinta Berbera ee gobolka Saaxil ka taagan
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo katirsan baarlamaanka Somaliland islamarkaana ah Xildhibaanka Kaliya ee golaha sharci dajinta ugu jira Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka Ucid ee kasoo hadhay Xildhibaanadii Xisbiga Ucid ee la fadhataystay, oo ku sugan magaalada Berbera ayaa ka hadlay Xaalada guud ee dalka iyo wararka shacabka reer Berbera ka kacsan yihiin ee la xidhiidha Dekeda Berbera iyo Wareejinta la sheegayo in lagu wareejinayo shirkado dalal shisheeye laga leeyahay, Sidoo kale waxa uu xildhibaan Qabiile ka hadlay Mudo kordhinta la sheegayo in Xukumada iyo Golayssha qaranka loo sameynayo ama qorsheeda la wado,
waxa kaloo uu Xildhibaan maxamed faarax qabiile sheegay in hadii ay Doporashadu dalka kaqabsoomi weyday 26 juun 2015 uu kamid yahay musharxiinta utaagan Madaxweynenimada dawlada wadaaga ah ee ay asxaabta mucaaradku ku baaqeen isaga oo xusay inuu isu arko inuu dalka badbaadin karo.