Hargeysa (Hubaal) – Waxaa si rasmiya shalay ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan jagadda Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Mr. Cabdi Ismaaciil Maxamuud, oo ah muwaadin reer Somaliland ah. Musharax Cabdi Ismaaciil Maxamuud ayaa go’aankiisa ku shaaciyay shabakadda ciyaaraha ee Cadalool.com oo uu la soo xidhiidhay, waxaana uu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay inuu wax baddan ka qabto ciyaarta kubadda cagta dalku marxaladda ay ku sugan tahay wakhti xaadirkan, sidoo kalena uu ku hogaamin doono xidhiidhka kubadda cagta hiigsi iyo qorsheyaal horumar lagu gaadho. “Anniga oo ah Cabdi Ismaaciil Maxamuud waxaan go’aansaday inaan ku dhawaaqo inaan u tartamayo jagadda Guddoomiyenimada Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, kadib markii aan si taxadir leh u sameeyay cilmi baadhis ku saleysan wada-tashi, iyo tix-gelin baddan oo iiga yimid bahda ciyaaraha. Waxaan dareemayaa inaan awoodo inaan qabto jagaddaas, waxaan u arkaa waajibkayga inaan khibradeyda iyo aqoontayda isticmaalo oo aan iskudayo inaan hoos u dhaca ku yimid kubadda cagta aan meel sarre gaadhsiiyo, haddii Alle igu guuleeyo inaan hogaamiyo xidhiidhka kubadda cagta Somaliland” ayuu yidhi Musharax Cabdi Ismaaciil Maxamuud. Musharaxan ayaa hadalkiisi sii raaciyey “Waxaan rajeynayaa in Doorashaddu ay u dhacdo si cadaalad ah oo qurux baddan, Waxaan ku faraxsanahay in Wasaaradda Ciyaaraha iyo xubnaha xidhiidhka kubadda cagtu ay ballan-qaadaan inay dhex u yihiin dhammaanba musharixiinta tartamaya, taasi waxay anniga iyo cidkastaba ku abuuraysa kalsooni iyo sinnaan. Waxaan Ololaheyga ku casuumi doonaa qoyska kubadda cagta Somaliland sida, Xidhiidhka, tababareyaasha, kooxaha kubadda cagta heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad, Saxaafadda iyo bahda ciyaaraha. Waxaan soo ban-dhigi doonaa ajandaheyga iyo qorsheyaashayda aan doonayo inaan ku hogaamiyo xidhiidhka kubadda cagta marka ay soo dhawaato wakhtiga doorashadu” ayuu yidhi. Mr. Cabdi Ismaaciil ayaa 2003-dii ilaa 2007-dii wuxuu tababare xigeen ka ahaa kooxda Small Health Star FC ee dalka UK. Haldoorkan oo ah mulkiilaha garoomadda Power League Stadium iyo Akademiga caruurta da’yarta, waxa sidoo kale uu yahay khabiir aqoon durugsan u leh habka doogga sanaaciga ah (Artificial Grass) loogu goglo garoomadda kubadda cagta, waxaana uu ka hawl-galay garoomo ku yaala gobollada dalka. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in doorashadda xidhiidhka kubadda cagtu ay dhici doonto 21-ka iyo 22-ka July ee sannadkan haddii Alle yidhaahdo, waana musharixii ugu horeeyay ee ilaa hadda si rasmiya ugu shaaciyay saxaafadda inuu u taagan yahay jagadda guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN “Waxaan Ahay Musharrax U Tartamaya Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbedda Cagta Somaliland”