‘Waxaan ahay Qabyaali!’ – W/Q. Cabdicasiis Maxamed Ayax “Atam”

0
33

cabdicasiis atomWaxaan ahay qabyaali aan cid ka qabyaalisani jirin. Qabyaaladdaydu waxa ay gaadhsiisan tahay heer aan la qiyaasi karin oo mararka qaar aan anigu iska yaabo qabyaaladdayda. Sidaas oo ay tahay haddana cid ma qabyaaladayn karo. Hadda waa anigii qabyaaliga ahaa ayaan cid qabyaalad ugu faani karin, illeen qabyaaladdu waa faan marna waa kala dhawaysasho dadka ah si togan ama taban. Haddaba maxaan sidan oo dhan qabyaaliga ugu noqday haddana aanan u qabyaaladdayn karin? Sababtu waa tan ee aan kula wadaago inaadeerkayow.

1- Waxaan maalin walba arkaa qabiilkaygii oo ay taladoodii iyo arrimahoodii ay go’aaminayso cid aan wanaag ehel u ahayni isla markaana danaysi iyo colaad shakhsi ah ku galaysa magacii guud, aniguna waxa aan jecelahay in qabiilkaygu uu noqdo mid ay hormuud u yihiin dad caqli diin iyo xikmad u ehel ahi, si karaamadiisa iyo sumacaddiisu ay u ifto.

2- Waxa aan arkaa qabiilkaygii oo magaciisii wax lagu dulmiyayo, wax lagu xadayo ama wax lagu xumaynayo aniguna waxaan la jeclahay In ay noqdaan qabiil wanaag oo dhan u saaxiib ah dadkana wanaag kula nool dhulkoodana aan cid lagu dulmin.

3- Waxa aan arkaa qabiilkaygii oo u jahli daboolay, faqri daashaday, anna waxaan la jeclahay in ay aqoonta u dareeraan oo waxsoosaar sameeyaan si ay u horumaraan.

Marka aan halkaa marayo ayaan qabiilooyinka kale eegaa, saa waxa ay la mid yihiin qabiilkayga. Kadib baan sii qabyaaladoodaa oo aan idhaahdaa suura gal ma aha in qabiilkaagu sidan aad la jeceshay noqdo, iyada oon qabiilooyinka kalena aanay sidan noqon. Waayo waa dad meel wada deggen oo qaran qudha wada leh sida ay iminka ba dib u dhaca u wadaagaan ayay haddii la horumarayana u wadaagayaan. Saa waxaan haddana eegaa qarankii, markaas meel baa i sii xanuunta qabyaalad darteed waayo? Qarammadii ila midka ahaa baan arkayaa iyaga oo hore u socday iyo kaygii oo ay la hadheen dad aan hoggaamin iyo maamul toona ehel u ahayni. Waana iyaga kuwa qabiilkaygii iyo qabiilooyinkii kale ay isku qaranka ahaayeen ka reebay qabiilladii la mid ka ahaa ee qarammada kale ee adduunka ku noolaa.

Markaa qabiilkaygii qabiil kale uma faanikaro, qabiil kalena qabiilkayga uma faani karo. Waayo? Waxaa la isugu faanaa waa wanaag ummadeed iyo horumar nololeed waxaana laysku xigsadaa waa fikirka iyo ujeeddada taasna ma haysanno. Haa yaanan kaa illaawin qarankaygu uma faani karo qaran kale laakiin qaran kale wuu u faani karaa qarankayga.

Markaa inaadeerow maanay kula ahayn qabiil ahaan iyo qaran ahaan ba in qabyaaladda baddeeda aynnu iskaga baxno, mar haddii aan qabiilkeennu wanaag dheerayn qabiillada kale oo aynaan lahayn innagu aqoon ahaan caddaalad ahaan iyo hoggaamin ahaan ba waannu kaga horreynaa kuwa kale iyaguna waa dad dulmi iyo jahli miidhan ah. Markaa qabyaaladdeenna wax baa laga garan lahaa oo wanaag baan ku faanaynaa, xumaanna waan ceebaynayaa kana faanayaa waa gar.

Haye mar haddaanan qarankaygii ku faani karin oo aanan qaramadii kale ku odhan karin annagu waxaannu nahay qaran maamul, aqoon, dhaqaale iyo akhlaaqba ka horumarsan, inaadeerow markaa aniga cidna igama qabyaalisan. Laakiin ma garanayo waxa aan ku qabyaaladeeyo ama ku faano. Markaa faanku ha ii xidhnaado intaan waxaan ku faano la imanayo. Ninkii xumaan iyo dulmi faan ka dhiganayaa isagu meel ha ku gaadho. Yaa Inaadeer ma i fahantay dee.

Cabdicasiis Maxamed Ayax “Atam”

Email: abdiayah@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here