“Waxaan Bixin Doonaa Hantidii Ku Burburtay Haddii La Soo Afjaro Dagaallada Gobolka Hiiraan” Madaxweyne Geelle

0
31

Belledweyne (Hubaal) – Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa waxa maanta safar ku tagey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Safar ku jooga Soomaaliya iyo Dhiggiisa dalkaasi, Xasan Sheekh Maxamuud.

Weftiga labada Madaxweyne oo salaan ka qaatey ciidamada Soomaaliya iyo kuwo AMISOM ee halkaasi ku sugan ayaa waxa soo dhaweeyay dadweynaha halkaasi ku dhaqan.

madaxweyne geelle oo booqday beledweynMadaxwaynaha Soomaaliya oo hadal u jeediyay dadweynaha halkaasi ku dhaqan ayaa ka hadlay colaad ka taagan deegaannada gobollada Hiiraan “Dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan waa dad nabadda jecel, hasse ahaatee rabitaanka iyo go’aan qaadashada waa ay kala duwan tahay, waxaan leeyahay sidii loo baahnaa looguma guntan joojinta colaadda ka jirta qeybo ka mid ah gobolka, waxaa codsanayaa mar koowaad… iyo mar labaad intaba in colaaddaas la soo afjaro laguna beddelo nabad…”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Waxaan leeyahay reer Hiiraan ayaahahooda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka iyaga ayeey u taallaa, cidda ay wax ku darsanayaan iyaga ayaa go’aan ka gaadhaya, laakiin waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo ma jiro gobol iskii isku tagi kara, gobollada waa in ay labo iyo wixii ka badan isku raacaan”

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isaguna halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa sheegay in marka laga soo tago booqashadiisa Beledweyne uu si dhaw ula socday mar walba howlaha ka socda gobolka. Hasse ahaatee waxaa uu sheegay in ay aad u dhibtay sida uu hadalka u dhigay wararka ku saabsan dagaallada gobolka marar badan isaga soo daba-noqday, isaga oo ka dalbaday maamulka gobolka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka in colaada loo dhameeyo “Waxaan ballan-qaadayaa haddii ay odayaasha dhaqanka go’aan ka gaadhaan colaadaha deegaannada Deefoow iyo Kabxanley soona afjaraan, in aan bixin doono dhaqaallaha ku baxaya  wixii hanti ahaa ee ku burburtay dagaallada..” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Dhinaca ciidanka Jabuuti ee halkaasi jooga ayaa mar uu ka hadlayay ayuu sheegay in ay soo dhameystirmayaan qeybta labaad ciidammada Jabuuti ee AMISOM, kuwaas oo gacan ka geysan doona dhameystirka howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab “Al-shabaab wax dan ah uma hayaan dadka Soomaaliyeed, wax naxariis ah uma hayaan, sidaa daraaded waa in meel looga soo wada jeestaa sidii dalka looga saari lahaa” ayuu yidhi, Madaxwaynaha Jabuuti.

Booqashada Madaxweynaha dalka Jabuuti,  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa noqoneysa tii ugu horeysay, marka laga soo tago Madaxweyne Xassan Sheekh oo dhowr jeer oo hore safar ku tagey halkaasi.

source:dhamays.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here