“Arrinkaas [Shaqaaqada] Weli Adigoo Waar Dagaalka Joojiya Leh Wax Sheegaya Lama Hayo”- Xildhibaan Boqor Buur-madoow ku eedeeyey Masuuliyadda Dagaallada Ceel-afweyn, Baaqna u diray
Hargeysa(Hubaal):- Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madoow lagu eedeeyey inuu ka dambeeyo hurinta dagaalka Beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo isku-dhicii u dambeeyey ee Khamiistii inna dhaaftay dhex-maray ay ku dhinteen Toddoba Qof iyo labaataneeyo ku dhaawacmay oo labada dhinac-ba ka kala tirsan.
Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo Axaddii shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ugu Baaqay Beelaha diriray inay joojiyaan colaadda soo noqnoqotay, isla markaana nabadgelyada ka wada shaqeeyaan maaddaama oo ay yihiin Dad waligood walaalo ahaa oo wada degganaa, ahaanna doona, siina wada degganaan doona oo cid iyaga isaga dhaw ama iska xigtaa aanay jirin. “Anigoo ah xildhibaan Cumar Nuur Waaye waxaan halkan baaq uga dirayaa labada beellood ee reer Ceel afweyn ee dhibaatadoodu inta badan soconaysay, waxaan leeyahay waxaad tihiin dad wada dhashay oo ehel ah oo aan weligood lagu sheegin waxaa maanta ka dhacaaya, waxaanan leeyahay waar illaahay ka baqa dad muslinaad tihiine, waar illaahay ka baqa oo joojiya dagaalkaas aad wadaan”. Sidaas ayuu yidhi Xidlhibaanku isaga oo ku dooday in shaqaaqadaasi uu ku xidhiiidhinayo Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madoow), wallow aanu daliil cad raacinin eedihiisa.
“Waxaala leeyahay arrinkaas waxaa ka dembeeya awal illaa aakhir Boqor Buurmadow, waxaana leeyahay boqorka wax allaala iyo wax dan ah oo [shaqaaqadaas] kuugu jirtaa ma jiro dadkaas isku midka ahaa inaad isku waddo maahee inaad kala saarto iyo inay is dilaan [kuuma fiicna] haddii waxaasla sheegayaa ay wax ka jiraan, [waayo] haddii wax la sheego wuxuun baa ka jira”. Ayuu yidhi Md. Cumar Nuur Aaye, waxaanu doodiisa ku ladhay isaga oo ta’kiidinaya eedaha uu Buur Madow u jeedinayo “Waxaa cadayn kara [in waxa la sheegayo ay wax ka jiraan] Intaas oo shaqaaqo oo hore u dhacday illaamaanta wali adigoo ka hadlay oo yidhi waar dagaalka joojiya wax sheegaya lama hayo. Dadkaasina waa dadkaagii oo waa ehelkaagii cid kaa xigtaana ma jirto, labada reeroodna waxa ay ahaan jireencid waliba way garanaysaaye waxaas la sheegayo wax ka qabo oo joojii adiga dani kuuguma jirtee”.