“Waxaan Cadaynayaa In Xubintii Noogu Jirtay Komishanku Aanu Noo Soo Gudbin Is-casilaad”

0
35

 Hargeysa (Hubaal) Ku Simaha Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa sheegay in xubinta xisbi ahaan u ugu jirta Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdifataax Siciid Maxamed aanu u soo gudbin qoraal uu ku sababaynayo inuu iscasilay.

Cabdinaasir Qodax waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin sabab uu wakhtigan isku casilo xubinta ay ku leeyihiin Komishanka doorashooyinka qaranka.qodax2

“Waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo, arrin ku soo noqnoqonaysay warbaahinta oo ahayd xubintii noogu jirtay ama noo matalaysay Komishanka doorashooyinka qaranka Cabdifataax Ibraahim inuu iscasilay, halkan waxaan ka cadaynayaa ilaa hadda xubintaasi warqad iscasilaad ah oo uu noo keenay ma jirto. Xisbi ahaana waxaanu qabnaa waxa weeyaan hadday khibrad ahaanayso, hadday aqoon ahaanayso iyo hadday waayo-aragnimo ahaanayso waa xubinta keliye ee ku dhex jira, sabab uu isku casilaa oo ku kelifaysaa ma jirto.” Ayuu yidhi ku simaha xoghayaha guud ee xisbiga oo shalay u waramay STAR TV

Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Waxay ku jiraan hawshii diiwaangelinta oo ay ku mashquulsan yihiin, oo waxa weeyaan xubnaha faraku tiriska ah ee fahmsan nimadaaka, markaa halkan waxaan ka cadaynayaa in wax istiqaalad ah oo uu noo keenay aanay jirin, sabab wakhti xaaridkana ku kelifaysaa aanay jirin maadaama oo wakhti doorasho iyo diiwaangelin lagu jiro oo markaa ay tahay wakhtiga Komishanku shaqadood u madaxbanaan yihiin. Waxaan bulshadda iyo taageerayaasha xisbiga UCID u sheegayaa in arrintaasi wax alaalle iyo wax jira aanay jirin, shaqadiisiina wato oo hawshii kale ee Komishanku ku mashquulsan yihiin ay gacanta ku hayaan.” Ayuu yidhi Mr Qodax

Ku Simaha Xoghayaha guud ee xisbiga UCID waxa uu intaas ku daray “Annaguna la shaqaynayno sidii hawshaasi dhamaytirkeeda iyo fulinteeda, waa furrihii dimuqraadiyadda weeyaan oo doorashooyinka ayay gacanta ku hayaan. Iygagana (Komishanka doorashooyinka) diyaar baanu u nahay inaanu la shaqayno oo ku sii guubaabino, waxaanan u ku boorinaynaa in xilkaa qaran ee ay hayaan isku duubni iyo wadajir uga baxaan, xilkaa qaranka u hayaan ee baaxada leh ee laga sugayo labada doorasho iyo diiwaangelinta inay qabtaana laga sugayo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here