“Waxaan Cod Dheer Ku Cambaaraynayaa Xadhiga Sharci Darrada ah ee lagula kacay Guddoomihyaha Ururka Dhallinyarada Beelaha Subeer Awal ee JIIDELI” Guddoomiye Deeq Cabdilaahi Cabdi.

0
56

“Waxaan Cod Dheer Ku Cambaaraynayaa Xadhiga Sharci Darrada ah ee lagula kacay Guddoomihyaha Ururka Dhallinyarada Beelaha Subeer Awal ee JIIDELI” Guddoomiye Deeq Cabdilaahi Cabdi. ‘ Gudoomiyaha Gudida Qabanqaabada Shirka Dhalinyarada Somaliland ee Cadaadlay Deeq Cabdilahi Cawaale ayaa canbaareeyay xadhiga gudoomiyaha ururka dhalinyarada Jiidali, isagoo isla markasina Sheegay in hawlihii shirku socdaan laguna dhawaaqi doono maalinta la qabandoono shirka Gudoomiye Deeq C/laahi Cawaale ayaa waxa uu sidani ku sheegay War-saxaafadeed kooban oo uu maanta warbaahinta soo gaadhsiiyey waxaanu u dhignaa sidan:- Anigo ah gudomiyaha ku meel gaadhka ah ee qabanqaabada shirka dhalinyarada Somaliland ee lagu qaban doono degmada cadaadley waxaan cod dheer ku canbaaraynayaa xadhiga lagu la kacay maalintii Jimcaha ee taariikhdu ahayd 14/11/2014 gudoomiyaha ururka dhalinyarta Jiidaali Mr.A/rahman Hassan Adam oo ku xidhan saldhiga daloodho .

 

5044

Kaas oo aanu aragno in uu yahay mid sharci daro ah kana soo horjeeda xoriyulqawlka iyo madaxbanaanida muwaadinka waxaanan u aragna mid lagu cabudhinayo dhalinyarada iyo dadka soo jeeda ee ka damqanaya xaalada ay ku sugan yihiin dhalinyarada iyo wadankuba taas oo aanu dhalinyaro ahaan qabno in lagaga bixi karo talo midaysan waana mabaadiida aanu ka midaysanahay hadaanu nahay dhalinyarada Somaliland meelkasta oo ay joogaanba ,Jecelahayna in aanu ka gungaadhno kana midho dhalino . Waxaan marlabaad canbaaraynayaa xadhiga lagula kacay muwaadiniinta dhalinyarada ee waday shirka dhalinyarta Somaliland kuna xidhan cabirka rayiga fayaw ee dhalinyaranimo iyo ka midho dhalintiisa ilaa hadana aan loo hayn wax danbi ah oo ay galeen in sida ugu dhakhsaha badan loo soo daayo xoriyadoodiina loo soo celiyo. Waxanan hore ugu celcelinay in shirka aanu wadnaa waafaqsan yahay xeerarka iyo shuruucda dalka oo uu ugu horeeyo dastuurka dalka noona damaanad qaaday Waxaan si waafaqsan xeerarka iyo nidaamka wadanka sida uu dhigayo article 23 faqradiisa kowad waxa uu dhigaya in qofkasta oo muwaadina ama ku jooga si waafaqsan sharciga waxa uu xaq u leeyahay in maro ama ka dago meelkasta oo uu doono iyo inuu baxo kusoo laabto dalka marka uu doono iyo faqrada 3aad . oo dhigaya muwadiniintu waxay xor u yihiin inay isku habeeyaan ururo siyaasadeed dhaqameed ,bulsheed ,xirfadeed,cilmiyeed,ama kuwa shaqaaled. Sidas darted dhalinyaro ahaan waxaanu isku abaabulahay inaanu ka tashano danaha iyo wax wada qabsiga dhalinyarada Somaliland oo dhan meel kasta oo ay wadanka ka joogaan iyadoo aan ahmiyada la siinayn gobol gaar ah ama degmo gaar ah ee dhamaan wadanka min gobol ilaa tuulo loo baahan yahay in laysku xidhmo lana yeesho hal dan oo ah dhalinyaro lagana guuro nidaamada fuusha xun ee ay isticmaalaan dadka waaweyne ee ah beelaha balse loo baahan yahay in la dhiso hal beel oo ah dhalinyaro, lehna hal dan layna qaado kala xidhxidhnaanta iyo kala qoqobka la dhex dhigay dhalinyaradu ee la yidhi isku dan ma tihidin Iyadoo maalin walba aanu aragno beel shiraysa iska daa beele ardaa ardaa in ay loo shiro aya jirta mana aragno cid la haysto oo la leeyahay maxaad u shirysaan iyo cid hadal haysa. Balse dhalinyaro ahan waxa culays wayni naga haysta sidii aanu u shiri lahayn uguna wada hadli lahayn danaha iyo horumarka dhalinyarada Somaliland meel kasto ay joogaanba.ilaa hadana waxaan fahmi kari waynay sababta loo diidan yahay shirka dhalinyarada loona ogol yahay shir beeleedyada keentayna in qaar naga mida ay ku mutaystaan xadhig iyo jeel mudo qaatay Kuwaas oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha jiidali A/rahman Hassan Adam Iyo xubin ka tirsan gudidayadaoo magaciisu yahay Qaasim ismail hasan oo maalintii tobnaad ku xidhan saldhiga dhexe Hargaisa. Waxaan mar sadexaad ku celinayaa inay xoriyadoodii loo soo celiyo muwaadiniinta u xidhan rayigooda. Waxaan kale oo aan halkan ka sheegayaa inay socdaan sidii caadiga ahayd hawlhii shirka oo aanay u istaagi doonin 2 iyo 5 xubnood oo la xidho socona doona xidhiguna uu keenaya uun inay cirka sii marto hawshii shirka dhalinyaradu maalmaha soo socdana aanu ku dhawaaqi doono gudidii qaban qaabada oo dhamaystiran hadii ilahay yiraahdo. Wa bilaahi tawfiiq Deeq Cabdilahi Cawaale

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here