“Waxaan Daawaday Bernaamij Uu Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib Kaga Hadlayo Doorashadii Sanadkii 1969, Waxaana Iiga Baxay….”

0
74

W/Q: Cali-kubbed

“Wuxuu Yidhi ‘”Haddii Aanu  U Dhego Nuglaan Lahayn Ama U Caawin Lahayn   SYL,   Waxaanu Khalad Iyo Gef Ka Geli Lahayn Musharraxiinta, Oo Hadhow Dadkii Taabacsanaa Ay Nagu Mudahaardi Lahaayeen”

cali-kubbad

Jeneraal Jaamac Moxamed Qalib waa nin oday ah oo damiir leh. Waxaan daawaday barnaamij uu Cali-seenyo kaga qaaday magaalada Djibouti. Isagoo ka hadlaya doorashadii ka dhacaday dalkii la isku odhan jirey Somali Republic sanadkii 1969, waxuu yidhi hadal sidan oo kale u dhigan ” xisbul xaakimkii dalka ee waqtigaas oo ahaa SYL waxay isticmaalayeen farasamo ay codadka kaga boobaan xisbiyada kale, markaas waxay meelo badan ay xukuumadaas sii dhigatay sanduuqyo ay codad badan oo been ahaan lagu soo shubay ay ka buuxaan, dabadeed markay muraaqibiinta goobaha wax lagu tirinayo xisbiyada u joogaa ay daalaan, ama intooda badani iska rawaxaan, baa sanduuq yadaas loogu talo galay inay dheeli tirka codadka u gambiyaan dhinaca xukuumada SYL badka la soo dhigaa si ay natiijadu u noqoto mid xisbi xaakimka u hiilisa. Waxuu yidhi markaanu ogaaney inay sheekadaas ay ka dhacday gobolka Burco, ayaanu ciidankii booliska iyo milateriga ee goobaha codadka lagu tiranayo joogey sii xoojiney, askartii goobaha xarfaanta ku noqotayna bedelney( si aan loo gadanin buu halkan uga jeedaa), sidaas awgeed gobolka Hargeysa sidaas baanu uga hawl galnay buu yidhi si aaanay uga dhicin wax u dhigma waxii Burco ka dhacay oo kale”. Hadaba arrinka aan anigu sheekadiisaa u guuxay waxay ahayd, markuu intaas ku daray hadal sidan oo kale isna la micne ah (and I’m paraphrasing it) “Haddii aanu ciidan ahaan u dhego nuglaan lahayn ama u caawin lahayn xisbul xaakimkii SYL, oo u ogolaan lahayn khiyaamadaas boobka ahayd ee ay wateen, waxaanu khalad iyo gef ka geli lahayn musharaxiinta waxooda la dhacayey, oo hadhow dadkii taabacsanaa ay nagu mudahaardi lahaayeen”. Hadalka beytul qasiidkaygu haddaba waa kan….waxuu intaas janaraalku ku daray “dee markay mudaharaadyo sameeyaan dadyowgaasi, waxa annaga boolis ahaan nagu waajib ahayd, inaanu mudahaaradka ka hor tagno, oo aanu dabadeed dad la DULMAY oo codkoodii la DHACAY aanu markay mudaharaadaan XABAD la dhacno ama dulmi ahaan u XIDHXIDHNO, si aanay taasi u dhicin baanu u adkaynay inaanay xukuumadu dhicin ama boobin cod bixintii ay muwaadiniintu sameeyeen”. Eebow Qaadir. Hadal iyo murti, waxa lagama maarmaan ah inay madaxda amnigu hadday tahay Booliska (Police) iyo Xooga dalkaba (Military) ay noqdaan dad dareenkooda iyo garaad kooda siyaasadeedba ay soo jeedaan (political consciousness) waayo sidaynu diintaba u wada leenahay, baynu dalkana u wada leenahay, markaas maaha inay madaxda ciidamada xukuntaa ay midiidino u noqdaan madax kale oo ay dalka ilaalintiisa iyo wanaajintiisaba ay wada leeyihiin. Intaasi waa iga talo guud.

Qalinkii: Cali/Khadar Xasan Cusmaan (Cali-kubbed)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here