Marka laga yimaado dhawaaqa codka dawanka leh iyo xamaasaddihii xawliga ku socday ee xawaarihiisu uu gaadhay heerarkii ugu sareeyey ee ay sameeyaan taageerayaashii taageersanaa, hadba, labada-kooxood ee kuwada ciyaarayey garoonkaasi.
Haddana, Goolku waxa uu ahaa kubadd lagu tuuray Laba-gacmood ama gacan kaliya oo dhex-gashay kollay laga sameeyey shabag yar oo lagu xidhay bir-goobo leh oo ka soo laalaada bir dhererkeedu uu yahay 3.048 mitter, inkastoo, haddana ay kala duwanaayeen tirsiga dhibaha goolashu, taasoo marka ciyaartoygu uu goolka ka dhaliyo kubadd uu ka tuuray meel ka danbeysa xariiqda saddexaad, ay noqonaysay tirsiga dhibcaha goolkaasi, Saddex-dhibcood, halka, marka kubad uu ka tuuray gudaha xariiqda saddexaad ay ka dhalato goolka kooxda kale ee ka soo horjeed, ay ahayd Laba-dhibcood.
Waxa aan xaqiiqsaday in ciyaarta kubadda kolaygu ay ka duwan dhamaan ciyaaraha kale ee kubaddaha, waxa kale oo aan ogaaday in ciyaartoyga kubadda kolayga iyo farshaxannada sawir gacmeedka sameeyaa uu jiro xidhiidh dahsoon oo ka dhaxeeya, sababtoo ahayd, mudadii aan daawanaayey ciyaaraha ka socota garoonka Timacade, waxa ay isticmaalayeen ciyaar-yahanaddu farsamooyin xeelladeysan oo ay iskugu dhiib-dhiibayeen kubad -gacmeedkaas, mararka qaarkoodna, waxa ay tuuryo dheer kula beegsanayeen kubadda goolka kooxda kale ee ka soo horjeeda, marar badana, waxa ku xiiso-galinaayey habab-farsameysan oo weerar-yahanadu ay ku dhaafayeen difaaca iyo qaababka ay u dhaafinayeen kubadda difaacayaasha labada- kooxood ee wada-ciyaarayey.
Waxa ay lahayd wada-tashi kooxeed oo koox-kasta loo ogolaa 2-illaa iyo 4-jeer oo wada-tashi, isla-markaana, ay ku yara nasanayeen ciyaar-yahanddoodaasi, waxa kale oo ay lahayd, Saddex siidhi walle, Saddex-garsoore, Saddex-dhibcood, Saddex-daqiiqadood, saddex xariiqood iyo saddex nasasho.
Koox-kasta waxa u safnaa 12-ciyaar-yahan,laakiinse, marka la bilaabayo ciyaartaasi koox-kastaaba waxa ay iska soo xulayeen 5-ciyaar-yahan (line up) oo wada-ciyaarayey, waxa ay ka dhiganayeen ciyaar-yahannadooda kuwa ugu dhaa-dheeraa weerar-yahano, halka, kuwa ugu xooga badana ay uga ciyaarayeen dhexda, marna waxa ay si wada-jir ah u qaadayeen weerar, hal-marna waxay difaacanayeen goolkooda 5-ciyaar-yahan, taas oo ku xidhnayd habka farsamo (technical and tactical) ee uu isticmaalayey tababaraha kooxda hogaaminayaa, kaasoo, mararka qaarkoodna isticmaalayey habka fool ka foolka ah ee (man-to-man), amaba habka loo yaqaano difaaca xidhan (zone defense), inkastoo, haddana ay ahaayeen ciyaarihii ugu wanaagsanaa, marka kooxihii wada-ciyaarayey ay weerar-yahannadoodu ahaayeen, ciyaar-yahanada ugu yar ama ugu gaabnaa.
Dhanka kale, waxay ahaayeen garsoorayaashu kuwo khibrad iyo waayo arragnimo dheer u lahaa sharciyadda u dajisan kubadda kolayga, halka ay dhex-cararayey labada-baal iyo badh-tamaha garoonka saddex-siidhi wale, oo isha ku hayey khaladaadka ay sameynayaan ciyaartoygu, kuwaasoo marka aad daawanayso, aad aad u la yaabayso, Af-garashada dhaqdhaqaaqa jidheed ee gacmahooda iyo farahooda (sign language communication) ay sameynayeen, uguna sheegayeen khaladka dhacay, nooca uu yahay iyo ciyaar-yahanka galay, iyagoo u gudbinayey saddexda garsoore ee fadhiyey miiska garsoorayaasha.
Garsoorayaashaas oo kala ahaa garsoore illaalinaayey wakhtiga ciyaarta, mid qorraayey dhibcaha goolasha iyo garsoore ururinaayey xogta ciyaaraha iyo khaladaadka ay sameeyaan kooxda ama ciyaartoyguba, ha ahaado mid shaqsiyaddeed ama mid ku imanayey khalad farsamo, haddana, waxa ay ku qiimeynayeen, hadba khaladku nooca uu yahay.
Taasoo, marka lagu khaldamo weerar yahan la dhex-gallay kubadd saddexda-xariiqood, oo doonaya in uu dhaliyo gool, waxa uu hellayey ciyaar-yahan kaasi laba-tuurasho oo ah tuurashada- xorta ah (free throw), in uu ku tuurto kubadda goolka kale ee kooxda ka soo horjeeda, haddii uu ka dhaliyo goolkaas, waxa loo qorayey hal-dhibic, taasoo waliba, ciyaar-yahankii khaldamayna loo qorayey khaladkii uu sameeyey, ka dibna, haddii uu gaadho khaladkiisaasi 5-khalad, waxa uu ka baxayey ciyaartaasi (disqualified).
Waxa iyana aad iigu xiiso badnayd oo aan ka dareemaayey in aanay aqoon badan u lahayn ciyaarta kubadda kolayga, qaar ka mid ahaa taageerayaashii jibaysanaa ee xamaasadda jiibta iyo jaanta isla-hellayey, Erayaddii ay ku dhawaaqayeen ee ahaa “ Siidhi-walle Cadaaladda, Siidhi-walle Cadaaladda, Siidhi-walle Cadaaladda,” .
Inkastoo, ay ahayd xad-gudubyadii ku dhacayey khaladaadkii ay sameeyeen ciyaar-yahannadu mid aad u koobneyd, marka laga yimaado, laba–ciyaartooy oo ay ganaaxeen gudida anshax-marinta ciyaaraha kubadda kolaygu (Ethics Committee of Somaliland basketball federation).
wallow ay ahaayeen xad-gudubyadii ku dhacayey khaladaadka farsamona, kuwo aad u yaraa, laakiinse, waxa dhacayey mararka qaarkood, sida, ciyaar-yahan sameeyey socod, isagoo, kubadda gacanta ku haysta ama dhaqaaqayey (Travel or walk) iyo ciyaar-yahannada saddex-daqiiqadood (3 second violation) taagnaanayey birta kolayga hoosteeda amaba (free throw zone).
Waxa kale oo garsoorayaashu xasuusinayeen tababarayaasha in aanay dhaafin inta uu u ogol-yahay sharcigu wada-tashiga laba-kooxood (time out), halka iyana garaacida gacanta ciyaar-yahanka ay ahayd hal-mar oo kaliya.
Waxa ay ii ahayd wakhtigii iigu horeeyey ee aan nasiibka u yeesho in aan daawado ciyaar ka socotay Aduunka 125-Sannadood, taasoo ay ahayd mudadii aan daawanayeyna tartanka Ciyaaraha kubadda kolayga wadarta guud ee tirsiga dhibcaha goolasha 1080 , habeenkiina tiiyoo ay maskaxdayda ka sii dhex-guuxayso ““ Siidhi-walle Cadaaladda” ayaan gam’i jiray.
Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti