Faroole Oo Farta Ku Fiiqay Hantida Ganacsatada Ee Muqdisho Taalla Iyo Xalaalnimadeeda Oo Uu Shaki Geliyey
“Waxaan Dadka Reer Muqdisho Leeyahay Ummaddu Waxay Tidhaahdaa Lacagtii Xamar Bay Isugu Ururtay”
Garoowe(Hubaal):- Madaxweynihii hore ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo ka mid ah Musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa shaki geliyay xalaal ahaanshaha Hantida iyo Lacagta taal Caasimadda Muqdisho.
Waxa uu Sheegay Faroole in Muqdisho ay taallo Hantidii ugu badnayd ee Soomaalidu, isla markaana aanay Hantida Ganacsatada Soomaaliyeed ee Xamar taallaa sida uu hadda xaalku yahay xalaal ku ahayn. Waxaanu ugu baaqay in ay xalaaleeyaan Hantidooda. “Waxaan Dadka reer Muqdisho, leeyahay Ummadda Soomaaliyeed waxay tidhaahdaa Lacagtii Xamar bay isugu ururtay.” Sidaa ayuu yidhi Faroole. Waxaanu Cabdiraxmaan-Faroole intaas ku sii daray oo uu yidhi; “Markaa, waxa Xamar loogu ordayaa oo Xildhibaanka loo raadsanayaa waa Lacagta, maanta Lacagta ha la bixiyo oo Sakada ha laga bixiyo, oo meelaha ay ka timi Lacagtaasi halla xalaaleeyo oo wixii la bixiyo ayey ku xalaaloobaysaaye, Ragga lacagta cunay si kastaba ha ku keeneene xalaashadda lacagtaa oo Abaarta u gurmada.”