– Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland
Hargeysa (Hubaal/Xogsoormedia.net):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon,ayaa ka hadlay dil ka dhacay degmada Wadaama Goo ee Gobolka Saraar shay fiidkii sheegayna in dilkaasi uu ahaa mid aano ah qofna ku dhintay isla markaana ciidamadu ay ku daba jiraan gacan ku dhiiglihii soo qabashadiisa. Waxaanu intaa raaciyay in ka Xukuumad ahaan ay si deg deg ah uga hawl galeen sidii ay dhacdadaa dilka ah gacanta ugu dhigi lahaayeen isla markaana ay uga hor tegi lahaayeen in shaqaaqo kale ay sababto oo ay dadka walaalaha ah ee wada deggen ay dhibaato ka dhex dhacdo ciidamaduna ay hawg galeen.
Warkan Oo wargeyska HUBAAL Kasoo Xigtay Degelka wararka internet-ka ee Xogsoormedia.net oo isagu Waraysi la yeeshay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon waxa uu intaa ku diray in dilkani uu ahaa mid daba socday aanno ay kalatirsanayeen dadka deegaankaasi, waxaana mar wax laga weydiiyey arrintan uu wasiirku yidhi “ Dilkaasi wuxuu ahaa mid aano hore daba socday Marxuumka ku dhintayna ALLE ha u naxariisto Ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna ALLE samir iyo Iimaan haka siiyo. Dilku markii uu dhacayba dawladdu way ka hawl gashay in aan dhibaatadu halkaa dhaafin oo ciidanka iyo maamulka gobolka iyo ka degmaduba way ka hawl galeen xaaladuna way deggan tahay gacan ku dhiiglihii oo baxsadayna ciidanka ayaa ku daba jira.” Wasiirka oo ka jawaabayay Su’aal laga waydiiyay in ay jiraan dad kale o kiiskaas dilka ah loo xidhay,ayaa ku jawaabay; “Kollay marka dil dhoco tallaabooyin badan ayaa la qaadaa oo dhanka ammaanka ah markaa dadna waa la xidhay cid kasta oo baadhistu gashana waa la soo xidhi doonaa oo gacan ku dhiiglaha oo ay ciidanku ku daba jiraan ugu horreeyo iyo odayaashiisa.” Waxaanu intaa ku daray wasiir Faratoon. “imika degmadu waa nabad gelyo xaaladuna way deggan tahay dadkana wax dhibaato ah oo ka dhex dhacday ma jiro ciidankii iyo maamulkuba way shaqaynayaan xaaladuna waa nabad gelyo.” Waxaa kaloo uu Farriin u diray cid kasta oo isku dayda in ay gacan ku dhiiglaha la baxsato ama qariso.”waxaan uga digayaa dadku in ay isku dayaan in ay sharciga kala baxsadaan gacan ku dhiiglaha ama ay qariyaan taasoo cidda lagu halea ay ciqaab mari doonto.”