“Waxaan Diyaar U Ahay In Aanaan Arrin Sharci-darro Ah Aqbalin Qiime Kasta Hadday Tagayso “

0
7

Cirro Ku Hanjabay In Aannu Marnaba Aqbali Doonin Qorshaha Furista Ururrada Siyaasadda Oo Uu Sheegay In Xukuumaddu Wadato

Burco –(Hubaal) Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku hanjabay in aannu marnaba aqbali doonin qorshaha furista ururrada siyaasadda oo uu sheegay in xukuumaddu wadato, si Madaxweyne Biixi muddo-kordhin loogu sameeyo.

Md. Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad xisbigiisa loogu sameeyey magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer maanta, waxa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu furista Ururrada ugu gogol xaadhayo in uu muddada xilka loogu kordhiyo.

“Muuse warkiisu wuu cadyahay, wuxuu doonayaa waa muddo-kordhin. Ururrada wuu ku gabbanayaa. Laakiin, ujeeddadiisu sidaa maaha . Ujeedaddiisu waxa weeye inuu doorashada muddadeedii dhaafiyo, dabadeedna muddo korodhsi uu helo.”

“Waxaan anigu diyaar u ahay in aanaan arrin sharci-darro ah aqbalin qiimo kasta hadday tagayso,” ayuu ku hanjabay Dr Cirro.

Musharrax Cirro waxa uu ku afgobaadsaday in aannu ka soo horjeedin furista ururrada, laakiin ay tahay in sharci sax ah loo maro, “Waannu caddaynay ururrada furistooda in aanaan ka soo horjeedin, ururraduna waxay ku furmayaan sharci,” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi uu markii hore diyaar u ahaa in uu doorashada madaxtooyada qabto, balse uu fursad u arkay muranka soo kala dhexgalay xubnaha Golaha Wakiillada oo isku khilaafsan dhaqangalnimada Xeerka Ururrada Siyaasadda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here