”Waxaan Filayaa Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE Ee Madaxwaynaha Puntland Ganacsigu Isugu Jiro Inay Xidhiidhka Labada Dal na Ka Shaqeyn doonaan”

0
12

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo sheegay Xidhiidh Ganacsi Oo Ka Dhaxeeya Madaxwaynaha Puntland Iyo Sarakiil Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE

 

“Madaxwaynaha Puntland Iyo Xubno Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Ayaa Waxa Ka Dhaxeeya Hawlo Ganacsi Oo Waxa Ay Wadaagaan, Goobo Waxbarasho Iyo Ganacsi Kale, Markaas Waxaan Filayaa In Xagaas Puntland Hawl Badani Ka Iman doonin” Xildhibaan Wali Axmed Xaawo

Hargaysa(Hubaal)Xildhibaan Wali Axmed Xaawo oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilladda somaliland ayaa sheegay in masuuliyiin Somaliland ah, gaar ahaana xisbiga kulmiye ay xidhiidh ganacsi kala dhaxeeyo madaxwaynaha maamulka puntland Siciid Cabdilaahi Dani.

Xildhibaan wali Axmed Xaawo ayaa sheegay inaanu jiri doonin khilaaf dambe oo ka dhex-dhacaya dawlada somaliland iyo maamul goboleedka somaliyeed ee puntland waxaana uu yidhi.

“Madaxwaynaha Puntland iyo Xubno sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye ayaa waxa ka dhaxeeya hawlo ganacsi oo waxa ay wadaagaan, goobo waxbarasho iyo xidhiidho ganacsi oo kale, markaas waxaan filayaa inaanay xagaas puntland hawl badani ka imanayn oo waxa loo diri doonaa iyaga, laakiin arrinka in ogaal lawada noqdo maaha dibla-maasiguna qarsoodiga ayuu ku macaan yahay.” Sidaas ayaa uu yidhi xildhibaanka oo la hadlayay saab Tv

Intaas waxa uu ku daray, ”Waxaan filayaa in ay masuuliyiinta kulmiye ee xidhiidhka ganacsi ka dhaxeeyo madaxwaynaha puntland in ay xidhiidhka labadda dal ah ka shaqeeyaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here