Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo reer WADDANI Ka Dalbaday Inay Caddeeyaan Kulanka Dhexmaray Madaxdooda Iyo Xukuumadda Somalia
“Haddii Aanay Arrintaasi Waxba Ka Jirin Waxay Ahayd Inuu Xisbiga WADDANI Cadeeyo In Aanu Arrintaasi Ku Jirin, Ilaa Hada Kalmad Lagama Hayo Ku Saabsan Warkan Laga Qoray,
*********
“Waxaan Gacanta Ku Hayaa Wargeyska Qoray Arrinta Umadda Somaliland Meel Ka Dhac Ku Ah, Haba Qoro’e Ta La Yaabka Lihi Waxa Weeye…”
“Waxaan Leeyahay Waa Qaran Jab, Waana Waax Qaranka Ka Go’aysa, Waxaanay Qoraallada Jaraaa’idku Cadaynayaan Heshiis In WADDANI Galay Ku Saabsan Midnimadda Soomaaliya”- Mr. Maxamed Shabbaash, Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID
Hargeysa (Hubaal) – Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa isna ugu baaqay xisbiga WADDANI inay cadeeyeen kulankan dhexmaray masuuliyiinta WADANI iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ee uu qoray wargeyska Star oo ka soo baxa wadanka Kenya.
Xisbiga UCID ayaa sheegay haddii ay caddeyn waayaan kulankaasi in maxkamad la geeyo, isla markaana ay khalad weyn oo ay ummadda ka galeen tahay inay Soomaaliya kala hadlaan midnimadda Soomaaliya.
Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamed Xasan Khayre Shabaash ayaa, si kulul u cambaareeyey shirkii qarsoodiga ahaa ee Nayroobi ku dhex maray masuuliyiinta WADANI iyo Ra’iisal wasaaraha Somalia Cumar cabdi rashiid.
Afhayeenka xisbiga UCID Shabaash oo arrinta wargeyska Star ee Kiinaya daabacay ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan gacanta ku hayaa wargeyska qoray ee STAR ee Kenya ee sheegay in xisbiga WADDANI la kulmay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, arrintaasi waa arrin khatar ah oo qaran dumis ah umadda Somaliland iyo qarankaba meel ka dhac ku ah, ta layaabka leh ee ka dambaysa waxa weeyi ha laba soo qoree, haddii aanay arrintaasi waxba ka jirin waa xisbi qaran oo umada Somaliland cod ka doonayee, waxay ahayd inuu cadeeyo in aanu arrintaasi ku jirin, ilaa hada kalmad lagama hayo ku saabsan warkan laga qoray, waxaan leeyahay waa qaran jab waa xisbi qaran waa waax qaranka go’aysa, haddii ay waxaas ku jiraan, waxaanay cadaynaysa qoraaladda jaraa’idku inay heshiish la galeen midnimadda Soomaaliya heshiish kula galeen, waxaan leeyahay arrintaasi haddii aanu WADDANI Jawaab cad ka bixin waa dami qaran ee maxkamad qaran ha la geeyo, waa dambi ay ka galeen umaddii xisbi qaran ka gashay ee u codeeyey, waa khiyaamo qaran haddii kalena ha cadeeyaan siday wax u dhaceen hadii aanay jirin ul dheer ha iskaga duwaan, rag dhaliilo halkaasi (Soomaaliya) la sheegayo ku leh way ku jiraan, rag midnimo sida oo Somaliland ahina way ku jiraan, oo aan hubo inay Somaliland ku mitidayaan, rag halkaasi loo tirinayo baryahanba waa la xamanayo way ku jiraan (WADDANI), arintaasi waxa la idinka rabaa xisbiga haddii aad tihiin inaad cadaysaan inaad khiyaamadda qaran ku raacsan tihiin iyo in aydaan waxaasi qabin cadaysaan ayaa 24 saacadood ee soocda la idinka rabaa” .