“Sidoo Kale Waxay Barobogaando Ku Fureen Heshiiskii DO World Oo Waxay Yidhahaadeen….”
Feysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Hoggaanka WADDANI Ku Hawlan Yahay Fashilinta Shirka Xukuumadda Iyo Cali Khaliif U Ballan-san Yihiin Iyo Sidii Loo Kala Dhantaalli Lahaa Natiijadiisa
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali-waraabe, ayaa shaaciyey inuu dhiggiisa WADDANI ku hawllan yahay sidii uu u kala dhantaali lahaa wada-hadallada la filayo inay toddobaadyada soo socda u bilaabmaan xukuumadda iyo kooxda Khaatumo, kuwaas oo lagu wado in labada dhinac gondaha isku daraan kulan loo qorsheeyey inuu ka qabsoomo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Eng. Faysal oo ka hadlayey shirweyne aan caadi ahayn oo xisbigiisa maalintii shalay u furmay, ayaa inkasta oo aanu xisbiga WADDANI si cad u carrabaabin, haddana si sarbeebaysan ugu eedeeyey inay wadaan carqalad ka dhan ah wada-hadalladaas,waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “waxan ogaaday in wada-hadalladii Khaatumo ay axsaabta qaar kamid ahi ay durba jecel yihiin inay khalkhaliyaan oo ay dib u dhigaan, taasina waxa ay noqonaysaa in heshiiska la doonayo inuu dhaco 17-ka bishan laga hortagayo.”
Waxa uu sheegay in xubno aanu magacaabini hoggaamiyaha kooxda Khaatumo kula taliyeen inuu wada-hadallada ka baxo, iyaga oo daliishanaya in xukuumadda haatan jirta xilligeedii sii dhammaanyo,“waxan idiin sheegayaa in dad reer Somaliland ahi Cali Khaliif kula kulmeen Addis Ababa oo ay ku yidhaahdeen waxba 17-ka bisha heshiis ha gelin dawladdani way dhacaysaa, DPWorld-na waxba samayn mayso oo ay baro-bagaandhe ku fureen”ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali-waraabe.
Faysal waxa uu kula taliyey hoggaanka kooxda Khaatumo inaanay hadalladaas dheg u dhigin, isla-markaana ka midho dhaliyaan wada-hadallada, waxana uu yidhi,“Waxan ku guubaabinayaa kooxda Khaatumo inaanay kelmedahaas dhegaysanin oo shirkii sidii ballantu ahayd uu u socdo.”
Hadalka guddoomiye Faysal Cali-waraabe, ayaa imanaya xilli dhawaan hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu hormood u ahaa guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro shirar aan natiijadooda la shaacin magaalada Addis Ababa kula qaateen hoggaanka kooxda Khaatumo, kuwaas oo ay aanay bulshadu wax faahfaahin ah ka helin, marka laga tago sawirro uu xisbiga WADDANI baraha bulshada ku faahiyey oo ay labada dhinaca Addis Ababa ku wada galeen ah.
Xukuumadda Somaliland, ayaa dhawaan shaaca ka qaadday in wada-hadalladii muddada la sugayey ee u dhexeeyey iyaga iyo maamulka Khaatumo ay magaalada Addis Ababa ka furmi doonaan 17-ka bishan aynu ku jirno ee November, kaas oo natiijadiisa bulsho badani dhegaha u taagayso.