“Waxaan Idiin Sheegayaa In Labada Suldaan [Suld. Xasan & Suld. Maxamed] Dhawaan Laga Tashan Doono”

0
73

Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Duray Weedho Siyaabo Kala Duwan Uga Soo Yeedhay Suld. Xasan Suld. Cabdillaahi Iyo Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dhiig aan loo baahnayni uu ku daato deegaanka Darar-weyne oo ay dhawaan ku dirireen laba beellood oohalkaasi wada daga, waxaanu u soo jeediyey inay shuruud la’aan nabada ku qaataan ooay isu cafiyaan. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa uu sheegay isla markaana war aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay hadal maalintii isniintii ee toddobaadkan kasoo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir kaasi oo xukuumadda wax ka saaray dhimashada iyo dhawaaca uu dagaalkani sababay, waxaanu meesha ka saaray inay haba yaraatee xukuumaddu wax lug ah iu leedahay. “Walaalayaal waxaan jecellahay inaan halkan farriiin nabadeed uga diro dadka walaalaha ah ee ku dagaallamay deegaanka Darar-weyne, ee degmada Ceel-afweyne ee gobolka Sanaag”. Sidaas ayuu yidhi Eng. Faysal, waxaanu intaas ku daray “Horta waa mide waxaaan idiin sheegayaa ninkii lahaa Suldaan baan ahaye eelahaa dawladda ayaa ku jirta dagaalkaas ooqayb ka ah, waxaan leeyahay warkaasi waxba kama jiraan oo waa been, dagaalka labada beellood eedirirayna kumajirto oo dawladdu waa tii  horena idiin kalaqabatay ee ciidanka kala dhex dhigtay intay intay idinka aawadiiin jiidda hore [front-ka] kasoo qaaday ay idin kala dhex galisay”. Ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye Faysal. Dhinaca kale waxaa uu dadkii ku dagaalamay aagaasi ku tilmaamay kuwo aakhiro seegay kii wax dilay iyo kiila dilayba “horta waxaad  ogataan in kiila diray iyo wax dilayba ay Ehlu-naar yihiin,inaad dagaallantaanna waa nasiib darro waayo dadis dhalay oo abti iyo inaabti isu ah baad tihiin, wax isukiin dhaamaana ma jiro oo ma kala tagaysaan oo illaahay  baa meesha idiku wada abuuray, markaa waxaan idinleeyahay nabada shuruud  la’aan ku qaata oo is cafiya  dhimashaduna intaas idinka dhimatay halkaas ha ku joogto, waxdembe iyo dhiig dembe toonina inaanay dhicin baan jecellahay” .

Geesta kale guddoomiyaha xisbiga UCID, waxaa uu duray hadallo  siyaabo kala duwan dhawaan uga soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi,  kuwaas oo hadalladoodu ay xanaf ka dhex abuuray ra’yul caamka bulshada, waxaanu  sheegay in ummada reer Somaliland ay dhawaan  talo ka yeelan doonto “Salaadiinta hunguriga iyo danahooda u hadlayaa ma wadaan danta shacbiga,  waxaanse  idiin sheegayaa in labada suldaanba [Suldaanlaga tashan doono dhawaan,  annagu kaayaga taladiisa waanu ku jirnayba” ayuuyidhi guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oomaalintii shalay xog-waran kooban qaar kamid ah warbaahinta  Somaliland ku siiyey Magaallada Hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here