Waxaan Jeclaan Lahaa In Aan Ahaado Mujaahid Beri Hore Dhintay!!! Xidhiidhiyaha Xisbiga Wadani Ee Europ And North America {Cabdiraxmaan Sh Xuseen}

0
26

waxaan jeclaan lahaa in aan ahaado mujaahid beri hore dhintay gaar ahaan, 17 october maalinta shuhadadii halganka, mar hadaan dalkii aan xoreeyay ka waayay cid iiga arxanta darxumadan iyo rafaadkan I haysta.!!!”.

Waxaan ka mid ahaa raggii dalkan xoreeyay, waxaan ku dhaawacmay dagaaladii ugu danbeeyay ee aynu dalka ku qabsanay, waxaan intay Somaliland jirtay ku hadaafayay badhida, oo xataa ma gurguuran karo, waxaanu aniga iyo koox oromo ahi ka dewersanaa gidaarkan. Wax aanu aniga iyo oromadaas Ethiopia ka soo qaxday ugu kala duwanahay majirto dadkan sadaqada nasiinaya ee waxaanu agtooda ka nahay laba miskiin uun. Hooyaday iyo laba caruur ah oo aanu walaalo ahayn waxaa dishay diyaaradii hargaysa rushaynaysay 1988. sidaas darted maan helin cid kale oo xataa buul
yar oo aan ka gallo dhaxanta milicda iyo roobka ii hagaajisa, nolosha kalena hadalkeeda daa. Dhaawacaygu wuxuu u baahnaa dhakhtar iga saara sadex xabadood oo dhabarka iggaga jira, laakiin maan helin weli cid il raxmadeed igu eegta. Markaas hadaad mujaahidkii dhintay u qiiroonaysaan kuwa soo hadhayna ay dhexdiina sedan ku yihiin miyaanay noo dhaanteen inaanu ducadaas ragii dhintay kala qayb

galo?” Waa mid ka mid ah naafada hargaysa darxumadu ku hayso oo ka waramaya ayaan darada heleeshay. Hadaan intaas kagga baxo xaaladaas murugada leh ee uu soo gudbiyay mujaahidkaasi, kii dhintay beri hore iyo ka manta xaaladan ku sugan keebaa wax qabad inooga baahan?. Wacnaan lahaydee in labadaba laggu abaal mariyo waxay mudan yihiin, laakiin,Waxaad ogtihiin in aynu isku haysano maxaa 17 october loogu murugoon waayay shuhadadii halganka, maxaa heeso qiiro ah loo tiring waayay?.

Waxay anigga ila tahay mar hadii kii noolaa xaaladan ku sugan yahay oo ay isaga iyo oromadu wada dewersanayaan xusuusta kii dhintayna macna samayn mayso.

Imisa arday oo ay aabayaashood ku dhinteen halgankii ayaa isguulada ama jaamacadaha looga eryay markuu waayay cid ka bixisa lacagtii lloga baahnaa?Hadaba walaalayaal iyada oo aynu ognahay in ay umad kastaa qiimayso dadkeeda wax tara ayaamaha adag, maxaa keenay in aynu inaku ilawno inamadii ayaamo lagu dhaadan jiray? Maxaynu u ilawnay waddankaas aynu ku xaragonayno kuwii dhiigooda ku bixiyay dhimasho iyo dhaawacba?. Waxaan warbaahinta inbadan ka dhegaystay naafadii 77 ee dagaaladii Ethiopia ku dhaawacmay waxay degan yihiin cusbataal martini ee magaalada muqdisho oo ay hay,adaha iyo cidii wax taraysaaba ugu hagaataa. Hadaad eegto halgamayaashii EBDRF ee Ethiopia ka eryay rajiimkii mingiste wad tacajabaysaa waxa dib u dejin iyo maalgelin loo sameeyay.

Kuweena laakiin meel aad ugu hagaagto iyo cid ogi toona ma jirto. Sidaas darted mar hadaan ahay anigaygan maqaalka qorayaa nin sadex jeer ku dhaawacmay halgankaas ugu danbayna ku indha belay, islamarkaana ka helay waddanka Britain dib u dejin iyo waxbarasho waxaan dadaal dheer u galay in aan wax ka bedel cilmiyaysan ku sameeyo nolosha naafada dalkeena guud ahaan. ee aan kor ku xusay xaaladooda.

Sidaas darted waxaan sameeyay aniga oo kaashanaya saaxiibo Somali iyo british ah laba urur oo aanu ugu talagalay in ay wax u qabtaan naafada guud ahaan. Hadaba in kasta oo ay ururadaasi wax qabad badan ku sameeyeen hawlihii loo aasaasay hadana may noqon ururo isbedel muuqda ku sameeya ujeedadii laga lahaa. waxaan ka raray waddankan aan deganahay ee Britain qalabka indhoolayaasha wax lagu baro, waxaanan tababar siiyay macalimiintii qalabkaas wax ku baraysay indhoolayaasheena, waxaanan isguulo ka furay burco ilaa borama waxa kale oo aan TV ga qaranka Somaliland ka bixin jiray wacyi gelin badan oo ku saabsan wax qabadka naafada dalka iyo in arimahooda hoos loo eego. Waxaan xasuustaa maalin ayaan casuumad ugu sameeyay hotel xaraf ee magaalada hargaysa 17 dhamaantood ka mid ah shabaabka indhaha la ee ku nool caasimada Somaliland uu hogaaminaayo fanaankeena qaaliga ah ee boon xirsi sidoo kale waxaan casuumay laba wasiir oo ka mid ahaa xukuumadii

rayaale. Waxaan su,aalay wasiiradii weligiin dadkan aad madaxda u tihiin mala fadhiisateen? Weli ma lagaga hadlay shirarka khamiis walba dhaca ee golaha wasiirada baahiyaha dadkan bulshada ka midka ah? “meel ay joogaan, wax loo qabto iyo qorshe loo hayaa midna ma jiro ayuu iigu jawaabay wasiiradii mid ka mid ahi” waxaanu isaga oo hadalkiisii sii wata yidhi “ waxaan xaqiiqsaday manta laga bilaabo in aanu nahay denbiilayaal dadkoodii dayacay” Hadaba anoo idiinku soo gudbin doona maqaalo danbe oo ku saabsan meelaha ay ila gaashay wacyi gelintaasi, waxaan idiin ku bushaaraynayaa oo aan soo taabtay dayacaadaasi maaha mid ku timi axmaqnimo iyo dulmi ku dhisan badheedh, ee waa aqoon la,aan ceeb ku ah bulshadeena guud ahaan Sidaas darted,. markaanu wakhti dheer halgan aan kala go lahayn ugu jirnay xaqiijinta daryeelka naafada waxaa noo soo baxay in aanan waxba ka qaban Karin hawshan mar hadii aanu arintaas qaranku qorshe ka lahayn

charity beginnings at home. Markaad arimahaas si fiican u dhugato waxaad ogaanaysaa in dawladnimada aynu haysano ay tahay mid ay isku haystaan dadka intii xooga lahayd oo qudhi. Waxa kale oo aad ogaanaysaa ereyada la isticmaalo sida !” saami qaybsi, cadaalad, wada tashi, isu tanaasul iwm “ waxaa wada hadlayaa waa dadka intii xooga lahayd ee dadkii naafada ama duruufaha kale ku xeernaayeen waxba kuma laha doodahaas iyo heshiisyadaas oo dhan. Sidaas darted waxaan ku qanciyay naftayda in aan joojiyo ururada samafalka oo aan toos u dhex galo siyaasada dalkeena si aan miiska waddanka wax loogu qorshaynaayo u gaadhsiiyo doodan si qarankeenu ku talagal uga yeesho arimahaas.

Ma odhan karo dadkeenu way ka xunyihiin bulshooyinka caalamka ee hagaajistay wada noolaanshaha bulshooyinkooda, laakiin waxaan leeyahay waa aqoon iyo aragti u baahan inaynu fahano oo aynu ku hagaajino cadalada si adeega dawliga ahi uu u gaadho dadka oo dhan. Waxaan xasuustaa beryahaas aan ururadaas aan kor ku xusay kashaqaynaayay ayaa nin ingiriis ah ayaa su,aal I waydiiyay oo yidhi “ cabdi, waa maxay qorshaha dawlada Somaliland ay ugu tala gashay naafadu?” Ilaa maalinkaas manta ah oo aan xisbiga waddani u ahay [xidhiidhiyaha qaaradaha Europe iyo north America waxaan u taaganahay arintaas wax ka qabashadeeda. Waxaanan soo gudbin doonaa maqaalo danbe oo ku saabsan fursadaha jira ee aynu wax ugu qaban karno dadkeena la ilaaway, iyo siyaasada aan dhex galay waayaha aan kala kulmay mar hadaan ahay shiqsi naafa ah oo ku biiray golayaashii dadka xooga leh. Laa soco qaybta labaad.

xidhiidhiyaha xisbiga wadani ee europ and north america {CABDIRAXMAAN SH XUSEEN}

telephone: 0044 1143273578 mob: 00 44 7506666329

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here