“Waxaan Ka Mid Ahaa Ciddii U Ololleysay In Somaliland Ka Qayb-gasho Tartanka Wadamada Aan FIFA Xubnaha Ka Ahayn”

0
30

Xildhibaan Golaha Deegaanka Burco Ka Tirsan Oo Ku Dooday In Uu Somaliland Ku Dhiirigeliyey Ka Qayb-galka Tartan Ciyaareed Ay Ka Qayb-gelayaan Wadamada Aan La Aqoonsanxildhiban-mubaarik1

Hargeysa (Hubaal)- Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka  magaalada Burco ayaa sheegay in uu  hormood  ka ahaa in  Somaliland   ka qeyb gasho  tartanka wadamada aan la aqoonsan oo dhawaan ka qabsoomi doona wadanka  Abkhazia. Xildhibaan  Mubaarig Bidhi oo shalay u waramayay telefishanka Somali-cable ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la garab galo kooxda Somaliland ee ka qeyb galaysa tartanka dalalka  aan la aqoonsanayn oo 31-ka bishan ka dhici doona wadanka Abkhazia. waxaana uu tilmaamay in uu ku faraxsan yahay madaama oo uu ku guulaystay juhdigiisii ahaa in koox Somaliland ka socotaa ka  soo ciyaaraan tartamada caalamka. Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa xusid mudan koobkaa ka furmaya magaalada Abijaan  oo ay ka qayb galaan wadamada aan la aqoonsan  ee aan xubinnaha ka ahayn FIFA  waxa aan ahaa cidii u olalaysay in Somaliland  ka qayb gasho tartanka wadamada aan la aqoonsan  kana mid noqoto,  waxaanan ka qaybgalay sannadkii 2003-dii shirweynahoodii koowaad,  shirkii labaadna waxa aan kaga qaybgalay 2005-tii magaalada London ayaan kaga qaybgalay, waxa ila socday  labo xubnood oo igu wahelinayay,  maalintaas ayaan halkaa ku bixiyay fiigii oo Somaliland ka mid noqotay urukaa oo ay ku biirtay.”. Mubaarik Yuusuf Cilmi Bidhi waxa kale oo uu intaasi ku daray “sidoo kalena waxa aan ahaa ninkii sameeyay loogada ay ku ciyaarayaan xulka  Somaliland  saddex iyo toban sano ka dib  in hawshii aan bilaabay ay suurawdo aniga waxa ay ii tahay sharaf , waanan ku faraxsanahay guul ayay ii tahay in hawshii aan bilaabay in barri  koox ka soco Somaliland ka qaybgalayaan tartanka ka  furmaya  dalka Abkhaasiya, waana labo iyo toban wadan oo Somaliland ka mid tahay. maalintaa lagu darayay tartanka Somaliland 2005-tii 35 dawladood ayay ahaayeen’’. Xildhibaanku waxa uu uga mahad naqay shirkada Dahab shiil iyo maayarka caasimada taageeradii ay ka gaysteen  kooxdii kubada cagta Somaliland ee ka qaybgalay tartankii dalka Maroco  lagu qabtay sanadkii 2006-kii, waxaanu yidhi “Wakhtigii aan ku jiray hawshan sannadkii 2006-dii  bishii Octoobar ee  aan doonayay in   xul kubada cagta  Somaliland ka socodaa ka qaybgalaan  koobkii  Maroko lagu qabanayay waxa qalabka iga caawiyay oo aan marnaba aanan ilaawayn  shirkada  ganacsiga ee Dahabshiil oo bixisay  diraysyadii iyo  loogadii aan ku dhajiyay iyagaa lacagta bixiyay , sanadkii hore  wasiirkii hore ee wasaarada ciyaaraha  Axmed Cabdi Kaahin ayaan ku wareejiyay alaabtaas oo aan 12 sano hayay. Waxa kale oo aan u mahad   naqayaa  maayarka caasimada Hargeisa oo isagu gacan   dhaqaale  ka gaystay oo aanay suura gasheen  in ciyaar toygaasi ka qaybgalaan  tartankaas aad ayaanan uga mahad naqayaa’’. Xildhibaanku waxa uu fariin iyo baaq u diray ururada qurbajooga Somaliland, waxaana uu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan baaq u soo jeediyo ururada qurbo jaaga  Somaliland ee ciyaaraha, haday tahay  wasaarada ciyaaraha  oo layidhi khilaaf ayaa ka dhex jira waxa aan leeyahay u midooba danta qaranka  iyo sidii  ciyaaruhu mid  u noqon lahaayeen, wasaaradana waxa aan leeyahay soo dhaweeya cid kasta oo  ka shaqaynaysa horumarka ciyaaraha.” Sidoo kale xildhibaan Bidhi waxa kale waxaana uu yidhi.Xoriyadaa iyo qarankaa  aynu haysano oo ay bilaamatay 27-kii May oo urukii xaq u dirirka ahaa ee SNM  ay soo galeen magaalada Burco, maalin Jimce ah oo ay ka soo wareegtay 22 sano, wakhtigaas oo aan ku sugnaa magaalada Burco oo aan ahaa ninkii calanka SNM  saaray  saldhiga dhexe ee Burco, ILAAHAY  ha unaxariisto intii ku dhimatay  inta  nool maantana  ee keentay xoriyada waan xusayaa ee halganka ka qaybgalay haday tahay madaxweynayaashii dalka soo maray  iyo madaxweynaha talada haya oo hormood ka ahaa  wakhtigaa, ahaana guddoomiyii SNM, kalmad dhaxal gala ayaana uu yidhi wakhtigii Itoobiya iyo Soomaliya heshiiyeen,  oo yidhi ahad  dawladahaasi heshiiyay wax ba nagama galin ee waa dagaalamaynaa,” ayuu.yidhi Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi Bidhi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here