Taliyaha Ciidanka Qaranka Ee Sanaag Bari Oo Ka Hadlay Dhaawac Soo Gaadhay Iyo Wasiir Cadami Oo War Khilaafsan Kasoo Saaray
Ceerigaabo (Hubaal/OWN) Taliyaha ciidammada qaranka Somaliland ee aagga bari ee gobolka Sanaag Gaashaanle Yaasiin Cismaan Saalax[Gurey] ayaa ka warramay dhaawac ka soo gaadhay hawl gal uu ku soo furtay nin ajanebi ah oo ay dablay hubaysani ku qafaalatay gudaha Somaliland. Gaashaanle Gurey oo waqti xaadarkan xaalad caafimaad u jiifa cusbitaalka magaalada Badhan oo lagu dawaynayo dhaawaciisa ayaa sida ay xalay baahisay shabakadda wararka ee Oodweynenews.com oo aanu warkan soo xiganay waxaa uu taliyuhu uga warramay dhaawaca soo gaadhay iyo sida uu wax u dhaceen, “Aniga iyo askarta ilaaladayda ah oo wadana baabuurkayaga ayaa meel jaamacadda iyo magaalada [Badhan] u dhaxaysa waxaa nagula kulmay maamulaha jaamacadda Badhan iyo Nin Masri ah oo macalin ka ah jaamacadda Badhan.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha aagga Sanaag Bari ee ciidammada qaranku. Waxaana uu intaa ku daray “ kolkii aanu isla taagnay [maamulaha iyo macalinka] waxaa iyaguna dhinaca kale iska kaaya soo taagay niman dhalinyaro ah oo ay wejigooda dhiillo ka muuqato, kuwaas oo watay baabuur yar, kadib intaanay nala hadlin ayaa waxa ay af carabi kula hadleen macalinkii carabka ahaa, kaasi oo isaguna inta uu kor u qayliyey af carabi ku hadlay”.
Intaa kadib Maxaa Dhacay?
Taliye Gaashaanle Gurey wuu sii waday xog-waranka uu ka bixiyey hawl galka ay la kulmeen iyo falku sida uu u dhacay, waxaanu yidhi “ Isla markii uu Carabku qayliyey waxaa baabuurkii yaraa ee dhalinyaradu wateen kasoo booday nin dhalinyar ah oo kamid ahaa kooxdan, kaasi oo damcay in uu baabuurka maamulaha khasab kagala dego Macalinkii Masriga ahaa. Haddaba intii aanu daaqadda furin ninkan yari ayaa waxaa iyaguna gaadhigayga ka soo booday laba askari oo ilaaladayda ahaa kadibna waxaa meeshii ka dhashay buuq iyo xaalad, rasaas baa haddana xigtay”. Taliyuhu markuu hadalkiisa halkaas marinayo ayaa uu sheegay in rasaastaasi dhaawacday isaga, inkastoo aanu sheegin cidda rasaasta ku horeysay iyo dhinaca ay ka timi xabbada isaga ku dhacday, waxaanu yidhi “rasaastaas ayaa anigana naaska hoostiisa oo dhinaca wadnaha xigta igaga dhacday, aniguna halkii baan ku dhacay, rasaastana Iyaga iyo askarta mid riddey ma caddayn karayo laakiin baadhis ayaa socota, nimankii hubaysnaana way carareen, dabadeedna aniga baabuurkaygii iyo askarkii ila socotay ayaa cusbitaalka I geeyey”. Mar taliyaha la su’aalay weydiin ahayd bal in uu aqoonsaday dablaydan uu sheegay In ay afduubka samaynayeen waxaa uu yidhi “ Dad deegaanka u dhashay bay ahaayeen, ninka ugu horreeyey ee baabuurka kasoo boodayna waxaa ay walaalo yihiin maayarka degmada Laas-qorey”. Isagoo ka jawaabayey su’aal kusaabsanayd sababta ka danbaysey in raggani weerarka noocan ah kusoo qaadaan macallinkaas Masriga ahna wuxu yidhi “Wallaahi ma garan karayo laakiin kolley rag soo diyaar garoobey ayay ahaayeen”. Isagoo ka jawaabaya su’aal kusaabsanayd in ay jirtey cid kale oo ku lug lahayd falkan wuxu yidhi “Iyagu hal baabuur ayay ahaayeen rag iyo gaadhi kalena suuqa ayuu ugu diyaarsanaayeen”. Ugu danbayntiina taliyahani wuxu ka dayriyey xaaladdiisa caafimaad wuxuna sheegay inuu u baahan yahay dhakhtar weyn oo xaaladdiisa lagaga baaraan dego isagoo sheegay xukuumadda Somaliland inuu ka filayo arrintaas. Dhinaca kalena xog warrankan taliyaha ayaa ah mid khilaafsan war Wasiirka Gaashaandhgga Somaliland Axmed X. Cali (Cadami) shalay warbaahinta siiyey isagoo sheegay wasiirku in taliyahani ku dhaawacmay kala qabasho laba dhallinyaro ah oo dagaallamayey kaddibna rasaasta ku dhacday ahayd mid si kama’ ah ka qaraxday askari ilaaladiisa ka mid ahaa iyo weliba in xaaladdiisa caafimaad tahay mid fudud oo halkaas (Badhan) lagaga daawayn karayo. Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiirka gaashaandhiga Somaliland waxa uu sharraxay sida uu ku yimid dhaawaca Taliyaha Ciidanka Qaranka Aagga Badhan Yaasiin Cismaan Saalax (Guray) “Horta taliyuhu wuxuu ku dhaawacmay shil qadar ah oo aan isku day dil ahayn, waxaanu ka dhacay Jaamacadda Badhan horteeda, halkaasoo uu taliyuhu u yimi buuq ka jiray iyo dhalinyarro goobtaa isku dilayay, markii uu soo gaadhay Jaamacadda Badhan, ayuu taliyuhu ka soo degay gaadhigiisa waxaanu isku dayay in uu kala dhex galo laba dhalinyarro ah oo markaa is dilayay oo muran dhalinyarro u dhexeeyay waxaana goobta joogay labada dhalinyarrada ah ee is dilayay dad la kala safan markii uu taliyuhu soo degay ee uu kala qabtay labadii nin ee is dilayay oo meesha buuq ka yara bilaabmay ayuu askarigii boodhigaadhka u ahaa ka soo booday gaadhigii ay wateen ka dibna boodadii iyo waxaa is raacay laba xabadood oo si ka ma’ ah uga qarxay askariga, nasiib darro labadii xabadood ee qoriga askariga ka qarxayna waxay ku dhaceen Taliye Guray. Markaa taliyuhu sidaas ayuu ku dhaawacmay dhaawiciisana waxaa lagu dawaynayaa cisbitaalka Badhan, xaaladiisa si dhow ayaanu ula soconaa markii hore waxaanu doonaynay in loo soo qaado dhanka Magaalada Ceerigaabo laakiin markii la daweeyay ee arrintiisu mid fudud noqotay dhakhtaradii gacanta ku haysayna sheegtay in aanay hadda jirin xaalad culus oo loo soo qaadaa waxaanu u daynay dhakhaatiirta imika dawayntiisa gacanta ku haysa imikana (xalay) waanu wada hadalnay oo sidii uu markii hore ahaa aad ayuu uga wanaagsanaa qarankuna wuu ogyahay kaalinta uu difaaca dalka kaga jiro. Askariga xabadu kaga qaraxdyna isna wuxuu is lahaa uun taliyahaaga gaadh yaan wax loo gaysane oo deg deg ayuu gaadhiga kaga soo booday boodadii ayuun baanay rasaastu ka qaraxday. Imikana askarigii wuxuu ku xidhan yahay xerada ciidanka qaranka ee Badhan,” ayuu yidhi Mr Cadami oo wargeyska Dawan u waramay.