“Waxaan Ku Faraxsanahay In Reer Booramihii Nabada Igu Dar-daari Jiray Aan Maanta”

0
22

“Waad I Garanaysaan Oo Xago-toosiyaan Ahay, Waxaan Ku Imi Gogoshii Uu Madaxweynuhu Dhigay”

London (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed(Xaglo-toosiye), ayaa ka Hadlay muhiimadda ay leedahay Nabadda iyo horumarka ay somaliland ku tallaabsatay, waxana uu farriin gaar ah  diray shacabka Reer  Borama oo uu kula dardaarmay inay ilaalinta Nabadda xil weyn iska saaraan. Saleebaan Ciise oo habeenkii xalay khudbad ka jeediyey Kulan jaaliyadda Somaliland ee Dalka Uk u qabteen Madaxweynaha Somaliland iyo waftiga uu hoggaaminayo, ayaa sidoo kale farriin kale u diray Siyaasi Cali Khaliif galaydh, waxana uu ugu baaqay inuu kusoo dhiirrado ka qayb qaadashada nabadda ka aloosan Somaliland. Ugu Horrayn wasiir Xaglo-toosiye waxa uu farrriin dhinaca nabadda ah u diray Shacabka iyo waxgaradka Reer Awdal, xaglo22“Reer Borama waxan leeyahay waxad tihii tusaalihii Nabadda iyo horumarka Somaliland, Waxana aan waxgaradka Reer Borama uga codsanayaa inaanay dadkooda dib u celin oo aanay Nabadda lagaga daydo Burburkeeda horseedin, Waanan ku faraxsanahay in Reer Booramihii  Shalay Nabadda igu Dardaari jirey inaan Maanta Anigu ku waaniyo.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in Nabadda Somaliland taallaa tahay lama taabtaan, isagoo ammaan weynna dusha u saaray madaxweyne Siilaanyo,waxana uu yidhi,“Midnimada iyo nabadda Somaliland waa muqaddas, madaxweynuhuna waxa uu ku baaqay Nabad gogolna waa dhigay, waana madaxweyne wax garad ah oo jecel inuu dadka iskku wado, waanad igaranaysaan oo xago-toosiyaan ahayoo waxan ku imi Gogoshii uu madaxweynuhu dhigay.” Dhinaca kale waxa uu Wasiir Xaglo-toosiye ka Hadlay  dhibaatada siyaasi cali khaliif ka wado Deegaannada Bariga Somaliland, waxana uu ugu baaqay inuu nabadda ka qayb qaato,“Cali Khaliif Waa Madaxweynaha Somaliland Saaxiibkii, waana nin weyn oo oday ahe ha yimaaddo oo dadkiisa wax ha u qabto Gogosha nabaddana waanu dhignay, laakiin waa ilaalinaynaa cidna ka oggolaan mayno inay nabadda wax yeelaan.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here