“Waxaan Leeyahay Ciidanka Xukuumada Ha Isku Halaynina ‘e Amnigiina Suga……”

0
34

Hargeysa (Hubaal)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Ibraahim Mahad Buubaa, ayaa sheegay in ciidanka ilaalinta Shidaalka ee uu Madaxweyne Siilaanyo Digreetada ku magacaabay ay sharci-darro tahay, isla markaan wuxuu ka hadlay dilkii habeen hore lala beegsaday sarkaal ka tirsan ciidanka ku sugan magaalada Saaxdheer

xildhibaan-Mahdi-BuubaaAfhayeenku wuxuu sida ku sheegay mar uu waramay shabakada Hadhwanaag“Ciidanka cusub ee Madaxwaynaha Somaliland Digreetada ku magacaabay ee la yidhaa (OPU) waa sharci daro, sharci daradii hore ee uu ku dhaqmi jiray ayaa uu tana ku daray,shirkadahan baadhaya shidaalka, Iyana sharci ay ku badhaan ma haystaan.Madaxwaynuhu wuu diiday inuu golaha wakiilada soo hor dhigo heshiisyada uu shirkadaha caalamka la galo.”Ayuu yidhi Ibraahim Mahad

Xidhibaanku wuxuu bulshada Somaliland u soo jeediyay inay ka biyo diidaan ciidanka ilaalinaya shidaalka “Madaxwayne dalkani maanta uma baahna dibu socod, laakiin waxa uu doonayaa horu socod iyo hiigsi fog.Wixii shacabku kaa filayeena dhamaan waad baabiisay Madaxwayne,dalku waxa uu leeyaha saddex Hay’adood oo ciidan ah,waa ciidanka Booliska,Ciidanka Asluubta Iyo Ciidanka Qaranka.Dastuurkeenu ma qorayo in ciidan kale la sameeyo oon waafaq sanayn Dastuurka ay shacabka Somaliland u codeeyeen.”

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay askari ka tirsan ciidanka qaranka Jamuuriyada Somaliland oo ku sugnaa degmada Saax-dheer oo habeen hore maamulka nabad diidka ah ee Khaatumo toogteen wuxuun yidhi “Aad ayaanu u cambaaraynaynaa dalkaas foosha xun ee ay ku kaceen kooxda Khaatumo,waxaana leeyahay ciidanka qaranku waa sunaha dawlada nimada,ciidanku waxa ay heegan ugu jiraan sidii ay u sugi lahayeen xuduudaha Somaliland,waxaanan leeyahay xukuumada idiin soo socotaa ma jirtee ciidanoow idinku ilaaliya amnigiina,kana amar qaatay Taliyihiina oo kaliya.

Waxaana uu intaasi raaciyay”Waxaana leeyahay ciidanka xukuumada ha isku halaynina oo amnigiina suga,amarada madaxda ciidankana fuliya.sidaas ayaa uu yidhi Afhayeenka xisbiga wadani.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here