“Waxaan Leeyahay Maxamed Axmed Beddel-oow, Dabkaad Hurisay Ee Aad Ku Kicisay Dumarka, Waad Ku Qaldanayd”

0
48

Maxamed Axmed Beddel Sharma’arke ayaa dumarka Somaliland, gaar ahaan beel kamid ah beelaha Somaliland soo hordhigay weedho ku qornaa buugga wasiir Guri-barwaaqo qoray, isla markaasina si aan ahayn ujeedada iyo micnaha buuggaasi xambaarsan yahay ugu macneeyay Dumarka iyo bulshada kale wax-ma-garatada ah, si uu u ceebeeyo wasiir Guribarwaaqo oo markaasi ay isqabteen, kaasi oo ku sheegay inuu si ula kac u aflagaadeeyay dumarka beelaha Ciidagale.

 

Suldaan Maxamed oo ka hadlaya ayaa yidhi; “Waxaan Leeyahay Maxamed Axmed Beddel Sharma’arkoow, Dabkaad Hurisay Ee Aad Ku Kicisay Dumarka, Waad Ku Qaldanayd. waxa haboonayd, qofka aad adigu wax ka sheeganayso inaad u sheegto, laakiin bulshada (Dumarka) inaad war aan jirin aad gaadhsiiso, adigay foolxumo kugu tahay. mana fiicnayn inaad hablaha Ciidagale ku xaaldoonato. Dumarkana waxaan leeyahay Buuggan waxa la qoray 2012-kii, waqtigeediina lama joogo. Ninkaa Maxmed Axmed Beddel arrintaasi wuu ku khaldan yahay, wixii isaga kala gudboonaana muu hagaajin, ee fidno kale ayaa sii kiciyey.” ayuu yidhi Suldaan Maxamed

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here