“Waxaan Leeyahay Xildhibaan; Saldhigani Waa Kii Aynu Labadeenu oo reer Saaxil Ahi Wadnay ee Weliba Adiguna Aad….”

0
170

Hadallo Kasoo Yeedhay Xildhibaan reer Saaxil Ah Oo Mudane Guurti Ah & Wasiir Xukuumadda Ka Tirsani Ka Jawaabeen

Hargeysa- (Hubaal) –   Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Cumar Shucayb ayaa xaallad abuur ku tilmaamay hadallo uu warbaahinta siiyey xildhibaan Siciid Cartan oo kamid ah xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland ee kasoo jeeda gobolka Saaxil, kuwaasi oo uu ku duray nidaamka dawladnimo iyo jiritaanka xukuumadda talada haysa ee uu madaxweyne Siilaanyo gadh wadeenka ka yahay. Wasiir Cumar Shucayb oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo daba socday hadalka xildhibaan Cartan ayaa sheegay in sharcigu ka sareeyo cid kasta oo tidhaahda ama ka hor timaada xukuumada, sidasi darteedna uu sharcigu ka qabanayo haddii ay yidhaahdaan xukuumadi ma jirto.  Masuuliyiin uu wasiir cumar shucayb ka mid yahay oo xukuumadda xilal ka haya isla markaana kasoo jeeda gobolka Saaxil oo warbaahinta la hadlay ayaa raalli gelin ka bixiyey eedo uu xildhibaan Cartan ku bartilmaameedsaday Madaxweyne Siilaanyo iyo safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaliland. Ugu horeyn Agaasimaha Guud ee wasaarada Waxbarashada Axmed Abokor oo kamid ahaa xubnaha raalligelinta bixiyey eedaha xildhibaanka ku tilmaamay  kuwo baalmarsan qawaaniinta dalka, waxaanu  hadalkiisa ku bilaabay; “Waxaan halkan kaga jawaabayaa hadalo deelqaaf ah oo xildhibaan Siciid Cartan u geystay Madaxweynaha JSL iyo masuuliyiin xukuumada ka tirsan. Waxaan leeyahay xidhibaanka waxaad ka tirsan tahay gollaha sharci-dejinta-Waa kugu ceeb adigoo sharci-dejinta ah aad tidhaahdo ‘Digreetada madaxweynaha JSL soo saaro diida dadka’ waa nasiibdaro in xildhibaan Siciid Cartan heshiiskii saldhiga milateriga uu shalay ansixiyey, maanta diido. waxaan ka xaalmarinaya Madaxweynaha JSL iyo qoyskiisa, aflagaadada qaawan ee xildhibaan Siciid u geystay. Madaxweynaha lagama saxeexo digreetooyin ee, isagaa soo saara, guud ahaan dalka JSL isagaa ka masuul ah, waa ceeb in maalinba mmmmmmMadaxweynaha JSL nin xildhibaan sheeganaya uu wax ka sheego”. Ayuu yidhi agaasimuhu. Geesta kale  Xildhibaan Dayib Xasan oo ka tirsan xildhibaanada gollaha Guurtida JSL oo  isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey doorkuu Siciid cartan ku lahaa ansixinta heshiiskii saldhiga milateri, “Saldhiga aad ka hadlayso xildhibaan Siciid cartan- waa kii aynu labadeenu wadnay, oo reer Saaxil ah, weliba adigu (Siciid) aad madaxtooyada iiga dhoweyd”.

Wasiirka Ganacsiga Iyo Malgashiga Mr. Cumar Shucayb Maxamed oo gebagebadii ka hadlay halkaasi ayaa yidhi,

“Xildhibaan Siciid Cartan sharaf iyo karaamo uma aha inuu yidhaahdo xukuumad ma jirto iyo digreeto, xaalad-abuur ayey noqonaysaa, sharciguna wuu qabanayaa.  Waa sharaf-dhac in xildhibaan Siciid Cartan yidhaahdo dalka dawlad kama jirto, masuuliyiinta ka tirsana wa abiidhi-qaatayaal. Sidoo kale, Safiirka Imaaraadka Mr. Baashe Cawil Cumar waxaan u arkaa masuul xilkuu ummada u hayey ka soo baxay wax badana u soo kordhiyey dadka iyo dalka JSL.”

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here