“Waxaan Madaxweyne Kuu Sheegayaa In Aan Gacanta Ku Hayo Dhukumenti Xaasaasi Ah Oo Kala Fogeynaya Soomaalida Itoobiya”

0
65

 Gudaha Ka Akhri: Faahfaahinta War-saxaafadeed  Xambaarsan Farriimo Ku Socda Madaxweynaha DDS Oo Uu  Soo Saaray Suldaanka Guud Ee Somaliland

“WAxaan Kuu Sheegayaa In Ay Jiraan Warar Khatar Ku Ah Degennaanshaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Kuwaasi Oo Si Badheedh Ah Loogu Weeraray Ganacsadaha aan Suldaankiisa Guud Ahay Ee …..”ilay

Hargeysa (Hubaal) – Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa baaq u diray Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar (Ilay), waxaanu ugu baaqay inuu si deg deg ah ula kulmo, waxaanu sheegay inuu hayo dhukumanti xasaasi ah oo xaalada abuur ah oo la doonayo in la isku dhufto dadka wada dega Deegaanka Somalida Itoobiya, waxa kale oo uu waxba kama jiraan  iyo been abuur ku tilmaamay  warar laga baahiyey Mulkiilaha Shirkada  571 oo uu sheegay in kobaca dhaqaalaha dalka Itoobiya qayb ka qaato, isla markaasna uu suldaankiisi yahay, wararkaas laga baahiyeyna aanay waxba ka jirin.

Sidaasna waxaa lagu sheegay war uu saxaafadda u akhriyey xoghayaha gaarka ah ee Suldaanka, kaasi oo ku saabsan xaaladda deegaanka Gaashaamo iyo marin habaabin uu sheegay in  lagu sameeyey xaqiiqada dhacdadaas. Waxaana war saxaafadeedka Suldaanku u dhignaa sidan: “ Mudane Madaxweyne marka hore waxaan ku soo dirayaa salaan adiga iyo shacbiga dawlad deegaanka Itoobiya, taas oo aan kugu salaamayo Ramadaan kariim.

Marka Xigta Mudane Madaxweyne anigoo ka duulaya warkii lagu faafiyey shabakada wararka ee cakaaranews kuna taariikhaysan 16/6/2016, warkaas oo cida uu ka soo baxay iyo cida soo abaabushayba aanay dan u ahayn dawladda deegaanka Somalida Itoobiya, oo ah mid dhaawac loogu gaysanayo sinaanta iyo cadaalada dawladda, taas oo aan mar walba taageero kugula garab taagan ahay, horumarka aad gaadhsiisay deegaanka Somalida Itoobiya.

Haddaba muddane Madaxweyne waxaan ku sheegayaa inay jiraan warar xaasaasi ah oo khatar ku ah daganaanshaha shucuubta  ah ee deegaanka Somalida Itoobiya, lidna ku ah sinaanta ganacsiga iyo cadaalada taas oo si badheedh ah loogu weeraray ganacsadaha shirkada 571 kaas oo ah mid ka qayb qaata kobcinta dhaqaalaha Itoobiya, aniguna aan ahay suldaankiisi guud.

  1. Waxa xaaraan ah in qofku dambi aanu galin dusha laga saaro, sida shaqaaqadii ka dhacday Gaashamo oo aanu jirin meel uu ka soo galo mulkiilaha shirkada 571
  2. Dhukumantiga aan gacanta ku hayo oo aan jeclayn in aan saxaafada u bandhigo isla markaana aad arki doonto ujeedada laga lahaa oo ah mid abuuraysa arimo xasaasiya isla markaana kala fogeynaysa shacbiga walaalaha ah.

Sida darteed muddane Madaxweyne waxaan ka doorbiday kulan deg deg ah inaynu yeelano in aan dhukumantiga xasaasiga ah cida soo saartay u soo bandhigo saxaafadda, taas oo aan jaclayn in aan u faa’iideeyo cid dan gaar ah leh, aniguna suldaan ahaan waxaan kugu taageersan nahay horumarka aan la qarin Karin ee aad gaadhsiisay shacbiga dawladda deegaanka somalida itoobiya”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here