“Anigu Xamar ayaan ku koray oo Reer Xamar Ayaan ahaa, Woqooyigan Iyo Hargeysa waxa Iigu Horaysay 1984-kii, Anigu Waxaan Ogaaday 1972-Kii in Reer Woqooyigu aanay dawladnimadda aqoonin” Guddoomiyihii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee dhawaan Gudida Fulinta Xisbigaasi Xilka ka qaaday Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel)
Jaamac Shabeel Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay Inuu Sharciyadda Ku Soo Celiyo Xisbiga KULMIYE Oo Aanu Gacantiisa Ku Baabi’in
Hargeysa, (Hubaal)- Guddoomiyihii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee dhawaan Gudida Fulinta Xisbigaasi Xilka ka qaaday Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa si adag u naqdiyay shirka Xisbiga Kulmiye sheegay inuu ku qabsanayo dhawaan Magaalada Boorama, waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Muuse Biixi inuu sharciyadda ku soo celiyo Xisbiga isagoo sheegay in sida ay wax usocdaan ay keeni karto burbur kuyimaada Xisbiga, waxaana uu sheegay inuu isagu xaq u leeyahay iclaaminta shirkaasi oo uu wali yahay Gudoomiyihii Golaha Dhexe.
Jaamac Shabeel oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi “Anigu Xamar ayaan ku koray, Reer Xamar ayaan ahaa, woqooyigan iyo Hargeysa 1984-kii ayaa iigu horaysay, anigu waxaan ogaaday 1972-kii Reer Woqooyigu inaanay Dawladnimadda aqoonin,Waxaan maqli jiray ma Isaaqbaa Dawlad Noqon kara, waan iswaydiin jiree kalmaddani xagay ka timid ayaa odhan jiray, wixii imika cadaan ayay iigu wada muuqdeen, 28-sannadood ayaynu maraynaa, wali maynu baran Dawladnimo waxay tahay. Horta Dawladnimo waa sharciga,”.
Waxa kale oo uu yidhi “Waxad ogtihiin waxaa lagu dhawaaqay shir, dadka ku dhawaaqay qof qudha oo xeerka Xisbiga Kulmiye Awood u siinayo go’aankaasi inuu gaadho kumuu jirin, aniga ayaa Gudoomiyihii ah, Shaqadaydii ayay ahayd inaan anigu Xoghayaha Golaha Dhexe ku amro wakhtiga shirka la qabanayo iyo taariikhda iyo halka lagu qabanayo, yaa idin hor fadhiyay Cameradda waad arkayseen, waxa weeyaan khilaaf lagalo ama xisbi ka dhex yimaada ama Dawlad ka dhex dhaca waxaa ugu adag Khilaafka sharciga waad ogtihiin maanta Hay’addihii Maraykan u waa weynaa shaqaalahoodii waa bilaa mushahar, qodob ayaa la isku haystaa sharci ah, oo baarlamaankii iyo Madaxweynihii Maraykanku isku haystaan, sharcigu isaga ayaa qof kasta ka sareeya, waxaan sharci ahayn oo tani ka shaqaynayaanna majiro, ninkii xoog sheeganayaan dee hasoo baxo”.
“Anagu xoog sheeganmaynee, Xeerkaasaanu ku dheganahay, Taariikhbaana Qormaysa, qof walbana ka hadhaysa,Mudada Xilka la hayaana waa muddo cayiman, Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaana Xisbigan Aasaasay, wax khilaaf sharci ahi kamuu dhicin intii uu Xilka Xisbiga hayay, Markii uu Xilka wareejiyayna durbadiiba waxaad arkayseen waraaqo duulaya, oo la leeyahay Xubin Golaha dhexebaa lagaga saaray Xisbiga, waxaan ugu baaqayaa Gudoomiyaha Xisbiga iyo Gudoomiye ku xigeenka Xisbigaba, waan isku dayay dhawr jeer inaynu hoos uwada hadalno oo Xisbiga lagu soo celiyo Xayndaabkii sharciga oo ay ka waantoobaan, Waxba ma tarto sharcidaradu, Ku tumashadda Sharcigana waxay dhasho waa layaqaanaa oo waa Burbur, haddii Xeerka Dalka lagu tuntana Burbur uunbaa ka dhasha, haddii ka Xisbiga lagu Tuntana Burbur uunbaa ka dhasha, Fool Xumaa ka dhalata, Taariikh Xumo ayaa ka dhalata”. Ayuu sii raaciyay
Ugu dambayn Jaamac Shabeel waxa uu hadalkiisa kusoo afmeeray sidan; “Waxaan leeyahay Saaxiibayaal Yaynaan iska xumayn Taariikhda, waxaan marlabaad ugu baaqayaa Xayndaabkii sharciga aan ku soo celino, Xisbiga Qof malaha, Ninkii aasaasay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waaka halkaas fadhiya, Dhaxal uu umadda uga tagay weeyi, inagana waxa la inaga rabaa inaynu jiilasha inaga dambeeya dhaxal uga tagno,oo halkaasi kasii socda, inuu ku baaba’o maanta oo la yidhaa Boorama ayaa lagu soo sadqaynayaa oo sifo sharcidaro ah ayaa shir Boorama loogu qabanayaa waa nasiibdaro, waxaan marlabaad iyo mar saddexaadba idiinku baaqayaa in sharciga lagu soo noqdo.”