“Waxaan Midowga Afrika U Jeediyey Farriin Gudbinaysa Dareenkayga, Waxaanan Cod Dheer Ugu Sheegay In…..”

0
20

Wasiir Xirsi Oo Sheegay In Xubno Ka Tirsan Ururka Midowga Afrika Uu Kula Kulmay Addis Ababa

Hargeysa, (Hubaal)- Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan ayaa qoraal uu kaga hadlayo midhaha safar dhowr maalmood qaatay oo uu ku tegey wadanka Itoobiya  oo uu ku baahiyey barta uu Face Book-ga ku leeyahay  waxaa uu kaga hadlay laba arrimood oo uu tilmaamay in ay safarkiisaas gundhig u ahaayeen. Qoraalka wasiirkuna waxa uu u dhigaa sidan: Wasiir-Xirsi2.jpg“Waxay ahayd galabta abaaro 4:30 galabnimo ee saacada geeska afrika kadib markaan kasoo deggay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport aniga oo kasoo kicitimay dalka aynu dariska nahay ee Ethiopia caasimadiisa Addis Ababa. Sidii aan horay uga warbixiyey socdaalkayga shaqo oo aan isku wehelinaynay wasiirka wasaaradda arrimaha debeda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee JSL Mud, Maxamed Biixi Yoonis ayey ujeedadiisu ahayd sidii loo dardar gelin lahaa mashruucii jidka isku xidhaya marsada Berbera iyo caasimada Ethiopia ee Addis Ababa “Bebera Corridor”.  Hadaba, intii aanu ku sugnayn caasimada Addis Ababa ayaanu kulamo la qaadanay Wasiirada wasaaradaha Maaliyada iyo Hawlaha guud iyo waddooyinka ee dawlada Ethiopia halkaas oo aan kaga wada hadalnay muhiimada jidka Berbera Corridor iyo sida uu labada dalba muhiimad weyn uugu leeyahay marka laga eego koboca dhaqaalaha iyo isu-socodka labada dal. Wasiirrada ayaa dhankooda si mugle u xusay qiimaha jidkaasi u leeyahay iyo baahida weyn ee ay u qabaan in ay kor u qaadaan macaamilka ay la leeyihiin marsada dalkeena Berbera iyagoo xusay in ay dhankooda dardar gelin doonaan. Waxaa Sidoo kale xusid mudan in intii aan ku sugnaa caasimada Addis Ababa aan nasiib wanaag kala qaybgalo arday reer Somaliland ah oo ka qalinjabinaysay Jaamacada New Generation faraceeda Hargeysa, waxaanan u rajaynayaa dhamaantood mustaqbal iftiin badan iyo guul waarta.   Haddaba, munaasabada qalinjabinta oo ka dhacaysay dhismaha midawga Afrika ee Addis Ababa ayaan mahadcelin kadib waxaan masuuliyiintii midawga Afrika ee goobta ku sugnaa u jeediyey farriin gudbinaysa dareenkayga iyo dareenka shacabkayaga Somaliland aniga oo kala hadlay sida midawga Afrika indhaha uga laabteen in ay qiraan qaranimada qaan-gaadhka ah ee Somaliland waxaanan cod dheer ugu sheegay in ay dhiirradaan oo ay nala dhamaystiraan himilada qaranka Somaliland oo ah mid aan indhaha laga qarsan Karin, aniga oo xusay kaalinta Somaliland kaga jirto ammaanka mandaqada iyo sida ay u dhamaystirtay dhammaan shuruudaha looga baahan yahay dal madaxbanaan. Wa Bilaahi Tawfiiq” sidaa ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here