Masuul Ka Tirsan Xukuumada Oo Madaxweyne Muuse Iyo Komishanka Doorashooyinka Ka Difaacay Eedaymaha Loo Jeediyo
“Waxaan Siyaasiyiinta Mucaaridka Ah Ee Aanu Isku Deegaanka Nahay U Soo Jeedinayaa Inay Ka Waantoobaan Dhaliillaha Aan Hubsiimada Lahayd Ee Ay Had Iyo Jeer Ku Maagayaan Komishanka & Guddoomiyahoodaba”
Hargeysa(Hubaal):-Agaasimaha fulinta ee komishanka xakamaynta Aids-ka somaliland ee SOLNAC Naasir Ayjeex Jaamac ayaa madaxweyne Muuse Biixi iyo guddida doorashooyinka Somalilandba ka difaacay eedo loo soo jeediyey. Agaasime Naasir Ayjeex Jaamac oo war qoraal ah ka soo saaray magaalada Hargeysa shalay kaasi oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL ayaa sheegay in hadyo jeer laga fiirsado dhaliillaha iyo eedaha aan loo meel deyin ee loo jeediyo guddida doorashadda kuwaas oo uu tilmaamay in ay qaranka hawl adag u hayaan. Waxaanu si gaar ah uga hadlay eedo uu sheegay inaan loo meel deyin oo lagu bartilmaameedsaday guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame kaasi oo ay dhawaan masuuliyiin ay isku deegaan kasoo jeedaan oo xisbiga WADDANI ka tirsan warbaahinta ka aflegaadeeyeen. “Waxaan leeyahay waa in marka hore doca docaynta laga daayo shaqada ay komishanka doorashooyinku uga masuulka yihiin qaranka, waxaanan u soo jeedinayaa dadweynaha Somaliland ee baraha bulshada wax ku qora inay iska ilaaliyaan caadifada ay ku baahinayaan wararka aan jirin ee dhaliisha ee ay u jeedinayaan komishanka, iyada oo aynu ognahay in hawlaha doorashooyinku ay yihiin kuwo xasaasi oo ay lagama maarmaan tahay in looga dambeeyo komishanka doorashooyinka qaranka.” Sidaas ayuu agaasime Naasir Ayjeex qoraalkiisa kuyidhi waxaanu intaas ku daray “Waxaan cadaynayaa in komishanka doorashooyinka ee hadda joogaa ay yihiin kuwii ugu fiicnaa ee dalka soo mara iyada oo aynu ogayn doorashadii baaxada weynayd ee ay ka qabteen dalka, sidaas darteed waxaan xaal ka siinayaa eedaymaha ay hadyo jeer u jeediyaan siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ka tirsan xisbiga Waddani ee aanu waliba isku deegaanka nahay, waxaanan u soo jeedinayaa siyaasiyiintaas inay joojiyaan dhaliisha aan hubsiimada lahayn ee ay ku maagaan komishanka doorashooyinka iyo gudoomiyahoodaba.” Sidoo kale agaasimaha fulinta komishanka xakamaynta Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac ayaa madaxweynaha somaliland ka difaacay eedaymaha uga yimaada xisbiyada mucaaridka ah isaga oo xusay in madaxweynuhu mudo kooban hayey talada isla markaana aanu joogin wakhtigii la dhaliili lahaa balse loo baahan yahay in wakhti la siiyo, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi mar kale:- “xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland waxaan leeyahay, madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisuba waxay talada dalka hayaan mudo aad u kooban, waxaanay u baahan yihiin in lagu garab galo hawlaha culus ee horyaala si ay dalka horu mar u gaadhsiiyaan, markaa waxa lagama maarmaan ah inay shacabku garbaha la qabtaan qorshaha uu dalka ku hagayo madaxweynuhu, balse waxaan leeyahay dhaliisha iyo cambaarayntu yaanay noqon mid aynu ku hor istaagno horu marka uu inala damacsan yahay madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisuba.”