Hargeysa (Hubaal)- Xoghayaha xisbiga mucaaridka WADDANI ee jaaliyadaha Boqortooyada Ingiriiska Mr. Cabdishakuur Ibraahim Diiriye, horena uga mid ahaan jiray guddida fulinta ee UCID, ayaa sheegay in xisbigiisu haysto awood taageero oo u saamixi kara inuu guul ka gaadho doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadka 2015.
Mr. Diiriye oo hadal ka jeediyey xaflad xisbiga WADDANI u qabtay qurba-joogga oo magaalada Hargeysa ka dhacday dhawaan, waxa uu xusay in qurba-joogta, haweenka iyo dhallinyarada reer Somaliland xilligan taageersan yihiin WADDANI, kuwaasoo uu ku sifeeyey inay yihiin awood guul gaadhsiin karta xisbigiisa.
“Xisbiga WADDANI inuu guulaysanayo waxa kuu caddaynaya haweenkii inay raaceen. Anigu waxaan qabaa saddexdii awoodood ee WADDANI guusha ku gaadhi lahaa way la socdaan; waa dhallinyarada, haweenka oo ah labada codka bixiya iyo qurba-joogga oo iyaguna dhaqaalaha bixiya, dhaqaalaha badankiisana iyaga ayaa gacanta ku haya,” ayuu yidhi yidhi Xoghayuhu.
Waxa kaloo uu aad ugu mahadnaqay hoggaanka WADDANI iyo xubno xisbiga ka tirsan, “Runtii waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa xubnaha WADDANI ama hoggaanka xisbiga ee xafladdan quruxda badan leh soo abaabulay. Runtii jaaliyadda WADDANI ee dalka UK ayaan afkooda ku hadlayaa. Had iyo jeer waxaan u malaynayaa Boqortooyada Ingiriiska iyo dalalka kale ee Yurub fasaxyada wey is-weydaarsadaan. Hadda ayey reer UK horraantoodii yimaaddeen ee waxaan u malaynayaa halkan (xafladda) way buux dhaafin lahaayeen. Runtii reer Somaliland qurba-jooggoodu dadka ugu badan waxay deggan yihiin UK, taageerayaasha ugu ballaadhan ee xisbiga WADDANI-na waxay deggan yihiin UK, taageerayaashuna maalinba maalinta ka dambaysa sida mawjadaha ayey ugu soo biirayaan WADDANI, markaa sida igu maqaalo ah waxa la kala horayaa dadkii ku soo biirayay xisbiga WADDANI.”
Mr. Cabdishakuur waxa uu ku dooday in xisbiga talada haya ee KULMIYE burburay, waxaannu yidhi; “Waad ogtihiin xisbigii KULMIYE imminka wuu burburay. Burburkaasi wuxuu keenay in dhammaanba taageerayaashiisii xagga WADDANI u rogteen, taasina waa guul weyn oo u soo hoyatay xisbiga WADDANI.”
Waxa kaloo uu sheegay in guddiyada xisbiga WADDANI ka wada dhisan yihiin dhammaanba dalka Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan degmooyinka kala duwan ee London iyo magaalooyinka kale ee dalka UK.
“Dawladdani markii ay qabsatay siday dadka gudaha u qaybisay ayey dadka qurbahana u kala qaybisay; hadday noqon lahayd qaybsanaan qabyaaladeed iyo si kaleba. Runtii kala qaybsanaan aad iyo aad u weyn ayey ku samaysay shacabka reer Somaliland. Waxaan xasuustaa nin aannu meel wada joognay ayaa nin baa madaxa ka laaday isagoon iska ogayn, nabar aannu iska ogayn ayaana ku dhacay, dabadeed ninkii wuu miyir beelay, mar labaad ayuu ku celiyay, markaasuu toosay oo miyirsaday. Imminka dhibaatadii dawladdu ku samaysay shacabka ee ay ku kala qaybisay markii ay sii badatay badatay ayey dadkii soo tooseen oo ay garteen, diyaarna u yihiin isbeddel. Boqortooyada Ingiriisku waxay ahayd meesha laga wado Somaliland.
Waad ogtihiin inay xagga dhaqaalaha ay aad iyo aad inooga caawiyaan, taageero weyn ayeynu ka helaynay xagga kale ee aqoonsi-raadintana kaalin weyn ayay ku leeyihiin, ilaa shan iyo soddon xildhibaan oo xisbiyada UK ka mid ah oo caan ah ayaana aqoonsiga Somaliland ka shaqaynayay. Dawladdani markii ay qabsatay intiiba way fadhiisisay oo albaabada ayey ka xidhay, taasina waxay kuu caddaynaysaa in aanay dawladdu diyaar u ahayn in Somaliland aqoonsi caalamiya hesho. Raggii u firfircoonaa ee Somaliland u doodi jiray ee meel walba ka hadli jiray qaarkood waad aragteen iyagoo magaalada Muqdisho ka degay,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.