Hargeysa (Hubaal)- Siyaasiga Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) oo kamid ah Xisbiga KULMIYE Ayaa naqdiyey tafsiir ay bahda xidhiidhka Bulshada ee FACEBOOK-ga qaarkood ka bixiyeen Muuqaalka Sawir uu Muwaadin Qurbe jog ahi ku galay Madaxtooyada dhexdeeda, kaas oo uu sheegay in aanay haboonayn in la aflegaadeeyo mawqifka muwaadinka. Dhawaan ayaa Aqoonyahan Yuusuf Budle oo kamid ah siyaasiyiinta qurbejooga ah ee mucaaridka ahaan jiray oo in dhawaaleba dalka ku sugnaa ayaa dhawaan barta uu Facebooka ku leeyahay ku daabacay sawirro uu iskaga soo qaaday booqasho uu dhawaan ku tegey madaxtooyada Somaliland. Sawirradaas ayaa dadka facebooka isticmaala ee asxaabta la ah Yuusuf Budle siyaabo kala duwan uga faalloodeen kuwaas oo qaarkood ku tilmaameen in uu mucaaradadiisa uga digo rogtay muxaafidnimo. Haddaba Siyaasi Axmed Keyse ayaa arrintaasi qoraal ku saabsan oo uu soo saaray kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin fasiraadaas iyo weliba muddo kordhinta Madaxtooyada loo sameeyey. Qoraalkaas oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan: “Runtii jawaabta su’aashan ah ‘goorma ayuu ku eeg yahay muddo-xileedka madaxweynaha JSL & Xigeenkiisa’ waa wax fudud oo sahlan hadii aan la is-yeel-yeelin. Waxa aan jecelahay bal in aan idiin soo gudbiyo jawaabta su’aashan iyada oo aanan cidna u geysanin aflagaado iyo meel ka dhac toona maadaama lagu gudo jiro bishii barakeysneyd ee Ramadaan. Waxa aan arkay maalintii Axadii 21 June oo Guddoomiye Ururka NURP Mudane Yusuf Budle soo booqday madaxtooyada oo sawirana la galay wasiiro & mas’uuliyiin kale oo markii uu FB soo dhigay sawiradii lagu boobay cey , aflagaado, shakhsi weerar, iwm. Waxa aan rumeysanahay ‘in Qofka aanu ku laqanyoonin cunista Baruur aanu arkaynin’. Sidaas oo kale ‘Qofku ma xishoodo oo waxba iskulama hadho marka uu og yahay in qofka uu caayayaa ee ‘victim’ ahi aanu arkaynin’. Tusaale ahaan waa sida tan ka dhacda FB, qololka lagu ‘chat’ gareeyo, mareegaha internetka, iwm. Walaalayaal, waxa aan nafteyda iyo tiinaba ku guubaanin lahaa in aad ku dhiirataan in aad sheegtaan wixii aad u aragtaan sax, xaq, wanaag, fikir fiican, iwm. adiga oo aan ka baqeynin in lagu caayo ama wax lagaa sheego. Diinta, aqoonta, dadnimada, iyo damiirkuna waa in uu DABAR u noqdaa qof walba. Sida la wada ogyahay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26/06/2010, waxa ku guuleystay Xisbiga Kulmiye oo ay musharaxiin u ahaayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa Seylici. Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxa xilkii lagu wareejiyay loona dhaariyay 27/07/2010. Sidaasi darteed waxa Muddo-xilleedka shanta sannadood ahaa ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu ka soo bilaabmayaan maalintii ay xilka la wareegeen ee ma aha maalintii doorashadu dhacday ama qabsoontay. Waxa markaasi muddo-xileedkii hore ku eeg yahay 27/07/2015. Maan fahmin waxa wargeysyada iyo mareegaha wararka loogu qorayaa ama mas’uuliyiinta mucaaridku qaarkood ugu cel-celiyaan in muddo-xileedkii hore ee shanta sannadood ku eeg yahay 26/06/2015. Muddo-xileedkaas hore marka laga yimaado, waxa kale oo iyana jirtay in ay Golaha Guurtidu muddo kordhin u sameeyeen madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo golaha wakiiladaba oo ku eeg 27/04/2017, taas oo markaasi doorashadii madaxtooyada iyo golaha wakiiladu ay dhaceyso ama qabsoomeyso bil ka hor inta aan muddo-xileedka dhamaanin oo noqoneysa 27/03/2017. Waxa kale oo xusid mudan in ay Xisbiyada qaranka iyo xukuumada soo afjareen murankii siyaasadeed oo ay ku heshiiyeen in ay doorashadu madaxtooyada iyo golaha wakiiladuba dhacdo/qabsoonto 15/12/2016. Haddii uu dhaqan gal noqdo heshiiskaas xisbiyada iyo xukuumadda oo maaro ama xal loo helo Muran-sharciyeedka jira, waxa muddo-xileedka cusub ee madaxweynaha iyo ku- xigeenkiis iyo golaha wakiiladuba noqon doono bil ka dib marka ay doorashadu dhacdo oo ah 15/01/2017. Hadaba, muddo-xileedka cusub ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo golaha wakiiladabaa waxa uu noqon doono laba mid uun.
- Tii Guurtida oo ah 27/04/2017.
- Tii xisbiyadu ku heshiiyeen oo noqon doonta 15/01/2017.
Waxa aad akhriste is-weydiisa waxa loo wadwado ama loo tirinaayo muddo-xileedkii hore, tashuushkana loogu furaayo dadkeena oo welibana caalamka & cadowga loogu maqashiinaayo ama loogu sheegaayo in dalku ku dhacaayo xukuumad la’aan 26 June ka dib? Jawaabta idinka ayaan idiin dhaafayaa. Ramadaan kariim. Wixii khalad ah ee qoraalkeyga ku jira raali iyo nus ha la iga ahaado. Se waxa aan idin ku boorin lahaa akhristayaal in dhug iyo fiiro loo yeesho waxyaabo badan.
Ahmed Aden Ismail (Keyse),
Hargeysa, Somaliland