“Waxaa layaab leh oo anniga fajax igu noqotay hadalkii Madaxweyne Siilaanyo kasoo yeedhay Axaddii toddobaadkan, kaasoo runtii aan fahmi waayey wixii daaranaa, sababtoo ah Madaxweyne iyo cidda uu doonaba ha noqdee hadalku hadaanu lahayn ujeeddo iyo nuxur uu ku arrooro waxaa adkaada fahankiisa, waxa kaloo dhacda hadaladu noqdaan kuwo isku soo noq-noqda oo hadana is-dabraya. Tusaale ahaan Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku sheegay in xaq hawlaha agaasinka, isku daba-ridka iyo mudaynta Doorashada uu xaq u leeyahay Komishanka Doorashooyinku, balse hadana waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin muddayntii komishanka Doorashada ee uu isagu [Madaxweynuhu] wareegtada kusoo saaray.
Teeda kale Madaxweynaheenu isagoo ah masuulkii Qaranka ugu sareeyey, taasi waxay ina tusaysay inuu Madaxweynuhu go’aan sharci u aqoonsan yahay tallaabadii Guddoomiyaha Guurtidu ku laalay go’aankii Komishanka Doorashooyinku ku cayimay muddada Doorashada, arrintaas oo marka sharciyada loo eego haba-yaraatee aanu Golaha Guurtidu awood sharci u lahayn, balse Madaxweyne Siilaanyo isagoo ka eegaya maslaxadiisa gaarka ah haddii uu wax sharci darro ah Maanta sharci ku tilmaamo waxa iman doonta in kursigiisu marka dambe sharci darro noqdo. waxa kaloo iman doonta haddii shuruucda dalka laga leexdo in dalku galo xaalad adag oo amnigii iyo kala dambayntiiba gacanta ka baxdo, haddii taasi dhacdona cidda Shacbigu kala xisaabtami doona waa Madaxweyne Siilaanyo iyo inta ka ag-dhow sida qoyskii reer Qadaafi Maanta haysata.
Madaxweynaha Somaliland intii uu xilka qabtay markeliya Saxaafadda lamuu yeelan kulan furan, sidoo kalena Shacbigii soo doortay hal Maalin uma jeedi khudbad ay ku diirsadaan marka hadallo uu Warqad ka akhriyo oo cid soo qortay mooyee uu mararka qaar higaadinteedu ku adkaato, taasina waa masalo kale oo markhaati u ah in taladii dalku gacmo kale ku baahday, waxa keliya ee lagaga bixi lahaana ay tahay in dalka Doorasho ka dhacdo oo markaa Shacbigu ciddii ay u gartaan taladooda u dhiibaan.
waxa bulshadu ka war qabtaa inuu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed, kaasoo sida Caqliga saliimka ahi ina farayo ay ahayd inuu Madaxweynuhu dedaalka ugu badan ka geysto sidii looga bixi lahaa xaaladaa adag ee dalka soo wajahday iyo marroorka Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan-gaal iyo muqarabiintiisu geliyeen geedi-socodkii Dimoqraadiyada Somaliland.
Haddaba iyadoo ay taasi jirto halkii Madaxweynaha Shacbigu ka filayey inuu wax wanaagsan dhegahooda maqashiiyo waxa kasoo yeedhay hadallo aan garowshiiyo lahayn oo uu ugu sabab tumayo muddo-kordhinta bilaa qiilka ah ee Guurtidu u samaysay Xukuumaddiisa.
waxa kale oo dhacday intaa ku wafeeyey in iyadoo xaaladaasi jiraan uu Safar ugu baxo Gobolo ka mid ah dalka, waxa taasina hadaynu nahay Shacbigii reer Somaliland ina tusaysaa halka Madaxweynaheenu ka taagan yahay lexe-jeclada Qaranka.
Gun iyo gebo-gebo marka arrimahaas iyo qaar kaloo badan la isu-geeyo waxa Madaxweyne Siilaanyo ku haboon inuu Shacbiga xaal ka siiyo hadalkii kasoo yeedhay oo Shacbiga ku noqday mid looma fadhiyaan ah, balse haddii inta Madaxweyne Siilaanyo ka ag-dhawi ay u arkaan arrinta xaalka mid basiid ah haddii Shacbigu waayo hadal munaasib ah iyo garowshiiyo waxa iman doonta in sidii Tuuniisiya ka dhacday Shacbigu ku gedoodo Madaxweynuhu Siilaanyo, Madaxtooyada dhaxalkeeduna la mid noqdo Miidaanu Taxriirkii Masar..”.