Badhasaabkii Hore Gobolka Gabilay Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Oo sheegay inuu ka Baxay Xisbiga Kulmiye iyo Dhaliilo uu soo bandhigay
Hargeysa (Hubaal) Badhasaabkii hore gobolka Gabilay Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ka gabi ahaanba iskaga baxay xisbiga talada haya ee KULMIYE kaasi oo uu ka tirsanaa waqti badan isla markaasina xilal kasoo qabtay xukuumaddihii talada ukala dambeeyay ee Kulmiye.
“Waxaan u digarogtay xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo aan u arko mid aan ku muujin karo fikirkayga iyi dhaliilaha aan arko ee ka muuqdo xisbiga KULMIYE oo maanta talada haya, oo aan horena uga mid ahaa, markii aan kamidka ahaana aan sheegi jiray, wixii khaldan inaan maanta ku cabikaro, si aanu u toosino xukuumadda. Marwalba qofka muwaadinka ahi waa inuu ku fikiro hadba hala dalku maraayo iyo halka uu wax uga tari karo, sidaa daraadeed waxaan go’aansaday aniga oo miyirkayga iyo maankaygaba qaba in aan ka mid noqdo xisbiga ucid.” Sidaasi waxa yidhi Badhasaabkii hore gobolka Gabilay Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo shalay warbaahinta la hadlay.
Mr. Ramaax waxa uu ka hadlay sababta ku kaliftay xiligan uu ka baxo xisbiga Kulmiye oo uu muddo badan ka tirsanaa xilalna kasoo qabtay xukuumadihii xisbiga kulmiye, waxaanu yidhi; “anigu waxaan amaba dad badan baaba laga yaaba inay kohdaan kelmadan aan odhan doono oo ah; inuu qofku xil xisbi ku ahaado, in aanu golihii dhexe kamid ahaanin, in aanu kaadh lahayn, markaana wuxuun baad noqonaysaa taageere. Taasi oo aan runtii u arko inaanay mid ii cuntantay ahayn oo aanad fikirkaagii siyaasiga ahaa xisbiga dhexdiisa aanad ka sheegi Karin, maadaama aanad ka mid ahayn golihii dhexe, kii fulinta iyo kuruustii sare ee xisbiga ee aad ku ahayd xilka Kulmiye, taas baanan uga baxay xisbigii Kulmiye.” Waxa uu intaasi ku daray “Kulmiye tallooyin badan baa nalaga qaadan waayay waxa ugu dambaysay Jimcahan (shalay) jimcihii ku labada ahaa, saddex saacadood baanu Muuse Biixi wada joognay, ma ihi nin ka maqan, waanu is aragnay, tallooyin badan buu na waydiiyay, laakiin waxaan u arkay inay ka fiican tahay iyadoo ummadda loo cadeeyo waxa dhaliilo ah ee jooga, sidaas darteedna aan galo xisbi mucaarid ah oo runta ka sheegno oo dawladdana ku saxno waayo dalkan innaga ayaa leh. “maalintii dhawayd waa la arkaayay wixii uu maayirka Burco ka hadlaayay, isaga oo dawladdana kamid ah, cidi umay jawaabin intii dawladda ahayd ee arrinta uu ka hadlay khusaysay, ee dad shicib ah ayaa sidii qabiil u wadahadlaayay, ilaa mudaharaad buu sameeyay wax talaabo ah oo ay dawladdu ka qaadayna ma jiro, taasi miyaanay dhaliil ahayn.” Ayuu yidh Mr Ramaax, waxaanu intaasi ku daray; “digreetada madaxweynuhu markay soo baxdo waa sharci afartan maalmood ayaa waxa taagnaa hadalo aan meelna haysan oo haamaha shidaalka la xidhiidhay, maxaa keenay yaa u diidanaa dawladda? Digreetooyinka madaxweynuhu soo wada saaray Duuliye sare wuu fuliyey tiisii waliba waa lagu canaananayay oo waxa la lahaa wuu dagdagay. Malyan dhaliilood baa jira oo dadka iyo dalkuba u baahan yahay oo dawladdana aanu leenahay wax ka qabta.”