DEGDEG: Xukuumadda Oo Sheegtay In Rabshadaha Ka Dhacay Hargeysa Stadium, Cid Gaar Ahi Siyaasadaysay Sababta Dhalisay
“Waxaan U Digayaa Dadka Buunbuuninaya Dhalinyarada Ciyaarta Isku Tuurtuurtay Ee Doonaysa Inay Siyaasad Ahaan U Isticmaasho Waxan Leeyahay…..” Wasiir Xaglo-toosiye
“ Dhaawaca nasoo gaadhay waxaa uu u badan dad lagu tuntay iyo dhagax iyo GASS MASS xabbada waxa ku dhaawacmayna laba ayaa jira mid kamid ahi askari yahay”
“RabshadahanI Xaallad siyaasadeed may ahayn ee xaallad ciyaareed bay ahayd, Shacbiga waxaan ka codsanayaa inay is dejiyaan dhibaato weyni may dhicin oo wax yar baa dhacaye”
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka JSL Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiy) ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay rabshadaha ay keentay ciyaartii maanta dhex-martay gobollada Hawd Iyo Daad Madheedh. Isagoo farriin culusna u diray shacbiga.
“Tiradoodu waxaa weeye 24 dhaawac ah oo fudud ayaa na soo gaadhay wasaarad ahaan, haatanna cusbitaalka lagu dawaynayaa, wax dhimasho ahise nama soo gaadhin”. Sidas ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda caafimadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) oo xogwaran kooban khadka telefoonka ku siiyey Weriye Nagiib Cabdillaahi Colaad oo Bulsho TV ka tirsan, kaasi oo Wargeyska HUBAALna soo xigtay. Wasiir Xaglo waxaa uu faahfaahiyey sida ay u kala yihiin shacab iyo askar dadka dhaawacmay waxaana u yidhi “ Dhaawaca nasoo gaadhay 8 baa askar ah inta kalena waashacab, dhawacooduna waxaa uu u badan dad is jiidhay oo lagu tuntay iyo dhagax iyo GASS MASS [suntan dadka ka ilmeysiisa], xabbada waxa ku dhaawacmayna laba ayaa jira mid kamid ahi askari yahay”. Ayuu ydihi wasiirku.
Gebogabadii waxaa uu shacbiga u diray farrin waxaana uu yidhi “Shacbiga waxaan u dirayaa farriiin ah in dhamaan dhaawaca cusbitaalka yaallaa uu yahay mid fudud isla markaana la wada daweeyey. Rabshadahanina Xaallad siyaasadeed may ahayn ee xaallad ciyaareed bay ahayd. Shacbiga waxaan ka codsanayaa inay is dejiyaan dhibaato weyni may dhicin oo illaahay wuu innoo fududeeyey oo wax yar baa dhacaye. wAxaa kale oo aan u digayaa dadka buunbuuninaya dhalinyarada ciyaarta isku tuurtuurtay, waayo caalamka ciyaaraha noocan ahi markay ka dhacaan way iska dhacdaa tan oo kale laakiin cidda doonaysa inay Siyaasad ahaan u isticmaasho ee buunbuuninaysa waxaan leeyahay ka daaya”. Ayuu yidhi Wasiir Xaglo