War saxaafadeed
Waxaan ku faraxsanahay Shirweynaha garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani oo dhici doona 15 March 2015 Hotel Maansoor , waxaan boogaadinayaa dhallinyaradii sida milgaha maamuuska leh noola shaqaysay muddadaan ahaa Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee dhallinyarada heer qaran Xisbiga Waddani, waxaan si kal iyo laaba u boogadinayaa Saraakiishi dhallinyarada gobolada dalka ee Xisbiga Waddani sida hawlkarnimada naf hurnimada iyo daacadnimada leh ee ay u barbar taagnaayeen dhisamaha dhallinyarada heer qaran. waxaanan ilaawi doonin Gudoomiyahan Xisbiga Waddani hogaanka iyo garbayada kala duwan ee Xisbiga, gudiyada xisbiga ee gudo iyo dibad ku kala sugan siday noo dhiirigelin jireen markastana ay uga go’nayd hanaqaadka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani.
Dadaalka qabsoomida shirweynaha dhallinyarada heer qaran oo soo maray maraxalado kala duwan, waxaan u mahadcelinyaa anoo ku hadlaya afka dhllinyarada xisbiga guud ahaan masuuliyinta dadaalak dheeradka ah geliyay iyo dhallinyarada aan hebbeen ka seexan hirgelinta guushan taariikhiga ah
Waxaan ka bilawanay hawlqabadka dhallinyarada meel bilaw ah waxaanay la duruuf iyo waayo ahaayeen dhismaha xisbiga ee soo maray marxaladaha kala duwan, waxaan ku ammanaya dhallinyaarda xisbiga waddani inay horseed ka ahaayeen guulaha taariiikhiga ah ee xisbiga Waddani gaadhay xiliyaddi doorashada golaha deegaanka iyo tartamaddi kale ee lagu kala reebayay ururada.
waxa dhisan garabyada dhallinyarada lixda gobol ee somalilad oo u hawgala si hufan oo hawlkarnimo iyo himilo fogi ku ladhantahay
Waxaan soo dhaweynayaa dhamaan ergooyinka dhallinyarada gobolada somalilan ka kala imanaysa, waxaan kusoo dhaweynaynaa kal-furan iyo kalgacal waxaan illahay uga baryaynaa inuu shirweynaha kasoo baxo hogaan la mahadsaho tawfiiq iyo tala laysku raacsanyahay, guusha dhallinyarada Xisbiga waddani waa guusha Xisbiga Waddani.
Waa markii u horeeyasay ee asxaabat somalaliland shirweyne xora oo xalaala u sameeyaan hogaanka dhallinyarada somaliland, amaantaa iyo guusha taariikhiga ahna waxa u horseeday oo iba furay Xisbiga Waddani. waxay taas marag ka noqon doonta kaalinta firfircoon ee ay kaga jiraan dhallinyarada somaliland Xisbiga Waddani, waa rajo iyo himilo rumawday waa iftiin iyo waa cusub oo u baryay dhainyarada somaliland.
Waxaan rajaynyaa in doorashada iyo tartanka dhalliyarada ee xisbiga Waddani noqon doono mid dumqraadiya oo tusaale u noqon doona hogaamina tolmoon ee loo tababarayo dhallinyarada mustqabalka berri.
Waxaan cadaynaya inaan u taagnahay Musharxa jagada gudoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani doorshada inagusoo aadan, waxaan ku tartamayaa taageerada iyo kalsoonida ergooyinka dhallinyarada Xisbiga Waddani ee gobolada somaliland, Ano ka mid ahaa aasaasayashii Xisbig Waddani muddadan dhallinyarada xisbiga kusoo jiray waxaan ka qaybqaatay abaabulka, iskububaridka iyo qorshayaasha himilada dhallinyarada ee Xisbiga Waddani. Dhamaan waad mahadsantiin barbaarta Xisbiga Waddani gudo iyo dibad , waan idin jeclahay waxanan u taagnahay horumarka hirgelinta iyo rumaynta riyada dhallinyarada somaliland, guusha Xisbiga Waddani waa guusha dhallinyarada Somaliland, guusha dhallinyaraduna waa guusha somaliland.
Guul iyo gobonimo
Gudmmiyaha ku meel gaadh ka ah ee garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani
Maxamed Sadiiq