“Waxaanan U Arkaa In Maxakamaddu Ka Joogsatay Shirqoolkii Laga Soo Abaabulay Madaxtooyada Ee Sharcidarrada Ahaa”

0
10

Hargeysa (Hubaal) Xisbiga mucaaridka ah ee Waddania ayaa soo sheegay inuu soo dhawaynayo go’aanka maxkamadda sare kasoo saartay dacwadii xeer 14 ee furista ururada. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay mawqifkooda go’aanka Maxkamadda, ayaa sheegay in ay xisbi ahaan soo dhowaynaayan go’aanka.

“Waxaan soo dhowaynaynaa qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ahi, taas oo ahayd sidii aannu horeba u sheegnay mid waddadeeda sharci laga duway.” ayuu yidhi, Guddoomiye Xirsi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay waafaqsan yihiin Xeer LR 14/ 2011, kaas oo sida uu sheegay gollihii hore soo saaray, isla markaana uu ku saxeexan yahay Guddoomiyihii hore ee gollaha wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, wuxuu sheegay in Maxkamaddu laashay dawcadda 46-ka xildhibaan, iyadoo dhinaca kale ayiday xeerkii dhaqangalka ahaa.

“Waa Ilaahay mahaddii, waxaanan u arkaa in  Maxakamaddu ka joogsatay shirqoolkii laga soo abaabulay Madaxtooyadda ee sharcidarrada ahaa. Mar kastana waxaannu diyaar u nahay in aannu u hoggaansanno Shuruucda dalka, Maxkamaddana waan ku bogaadinayaa in ay sharciga ilaaliso, shaqadeedana ku ekaato.”ayuu ku yidhi qoraal kooban Guddoomiye Xirsi.

Wuxuuna intaa raaciyay in ay guul u tahay dhammaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI iyo guud ahaan bulshadda Somaliland, waxaana innoo balan ah sharciga ayuu yidhi, isagoo ka hadlayay mawqifka Xisbiga ee qaraarka Maxakamdda Dastuuriga ah ee ku taariikhaysan 16 Jan 2022.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here