Muqdisho (Hubaal)- Dawladda taagta daran ee Somalia ayaa shaacisay inay qaadayso duullaanno ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab inta lagu jiro bisha Ramadaan ee soo socota, si dalka oo dhan looga sifeeyo kooxdaas oo ka taliya degaanno aad u tiro badan oo Soomaaliya ku yaal. Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Mr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka hadlay shir Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ku yeeshay xaruntooda New York, ayaa ku hanjabay inay dhowaan ciidammadoodu qaadi doonaan dagaallo culus oo ay Al-shabaab kaga saarayaan gobollada iyo degaannada gacantooda ku jira si looga midho-dhaliyo Qorshaha Hiigsiga Cusub ee Somalia 2016-ka. “Al-shabaab waxay hadda gacanta ku haysaa 20% dhulka Somalia, laakiin weerarka aannu qaadayno waa midkii lagu soo afjari lahaa; si awoodda dawladda iyo maamulkeedaba loo gaadhsiiyo dalka oo dhan,” ayuu yidhi Sharma’arke. Sidoo kale, Ra’iisal-wasaaraha oo warfidiyeennada la hadlay kaddib kulankii Golaha Ammaanka oo uu ka qaybgalay, waxa uu ishaaray in xiligii dalka Soomaaliya oo dhan laga saari lahaa Al-shabaab soo dhowyahay, balse wuxuu xusay inay muddo dheer qaadanayso in maskaxda dhallinyarada Soomaalida laga nadiifiyo fikirka qaldan ee kooxdaasi gelisay. “Waxaan qarka u saaran nahay inaan Al-shabaab jabinno… bilaha dhow ee soo socda waxa bilaaban doona hawlgalkii ciidanka si looga hortago khataraha Al-shabaab.” Al-shabaab oo muddo sannado ah isku dayaysay inay dawladihii dalka soo maray xukunka ka tuurto ayaa looga bartay marka la gaadho bisha Ramadaan inay kordhiyaan weerarrada ay ka fuliyaan gudaha magaalooyinka waaweyn ee ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM gacanta ku hayaan. Dawladda Somalia ayaa bishii Ramadaan ee sannadkii hore ku dhawaaqday barnaamij ay ugu magac-dartay nabad ku afur, hase ahaatee Al-shabaab ayaa qaadday weerarro lagu hoobtay, iyagoo ka jawaabayey ballanqaadka maamulka Muqdisho. Dagaalyahannada Al-shabaab waxay ka taliyaan degaanno iyo degmooyin muhiim ah sida Gobolka Jubbadda Dhexe oo dhan, waxayna dadka falanqeeya siyaasaddu aaminsan yihiin inuu muddo badan qaadan karo in Soomaaliya laga sifeeyo Al-shabaab oo awood u leh inay meel kasta oo dalkaas ka mid ah weerar ka geysan karaan.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN “Waxaannu dhowaan Qaadi doonnnaa Dagaallo aannu ku Soo Af-jarayno Al-shabaab” Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya