“Waxaannu Taageero Buuxda U Muujinaynaa Shirka Lagu Dhexdhexaadinayo Bariga Somaliland, Waa In Go’aammada Kasoo Baxana Sidooda Loo Fuliyo”

0
10

Golaha Guurtida Somaliland Oo Soo Saaray Baaq Ay Ku Taageerayaan Nabadeynta Laga Gaadhay Colaada Degaanka Dhabar-Dalool

Hargeysa (Hubaal) Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta baaq taageero ah u diray shirka nabadda ee lagu dhex dhexaadinayo laba beelood oo shaqaaqo ay ku dhex martay deegaanka dhabar dalool ee gobolka Sool. “Gole guurti ahaan waxaanu ku baaqaynaa taageero buuxdana u muujinaynaa shirkaasi lagu dhexdhexaadinayo labada beelood, waxaanu labada beelood ee walaalaha ah ku boorinaynaa inay qaataan go’aammada nabadda ah ee shirkaasi kasoo baxa, waayo nabadda wax ka wanaagsani ma jirto”. ayaa lagu yidhi baaqa war-saxaafadeed qoraal ah oo goluhu soo saaray.  Waxa kale oo baaqaasi intaas ku daray in goluhu uu ammaanayo sida fiican ee hawsha shirku ay ku bilaambatay.

Gebogebadiina waxa golaha guurtidu ay ammaan u soo jeediyeen xukuumadda oo gacan weyn ka geysatay qabsoomida gogoshaasi nabadeed. “Waxaanu ku dardargelinaynaa in go’aammada shirkaasi kasoo baxa sidooda loo fuliyo, si aanay mar dambe coladdaasi u soo noqon.” Ayaa lagu yidhi bayaanka guurtida

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here