Akhri+DAAWO SAWIRRADA Iyo VIDEO: Weftiga Shirkadda DP World Oo Riyaaqay Baaxadda Dhuleed Iyo Goobta Ay Ku Taallo Marsadda Berbera
“Ku Soo Dhawaada Wada Shaqayn Rasmiya Iyo Walaalnimada Aad Ku Timaadeen Dalkiinnii Labaad”- Madaxweyne Siilaanyo
“Waa Heshiis dhex Maray Laba Dawladood Ee Somaliland Iyo Imaaradda Dubai, Cid kale Waxba Kuma Leh, Boorrena Shaqo Kuma laha” Agaasimaha DP World
Hargeysa(Hubaal)-Wefti heerkiisu sareeyo oo ka socda shirkadda DP World oo uu hoggaaminayo agaasimaha guud ee shirkadaasi Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa shalay soo gaadhay Somaliland oo ay booqasho rasmi ah uga bilaabantay si ay ugu gogol xaadhaan dhaqan-gelinta heshiiskii casriyaynta marsadda Berbera ee shirkadda iyo dawladda Somaliland kala saxeexdeen 9 bishan May.
Weftigani oo ka soo degay magaallo xeebeeda Berbera, waxa halkaasi ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha dibadda, Madaxtooyadda, maareeyaha dekedda Berbera iyo masuuliyiin kale, waxa kale oo wefigu ay isla markiiba booqdeen dekedda Berbera, halkaasi oo uu warbin la xidhiidha waxqabadka maalinlaha ah iyo siday u shaqeyso ka dhegayteen Maareeye Cali Xoor-xoor.
Intaas ka dib weftiga shirkadda DP World, waxay markiiba u soo duulleen Magaaladda Hargeysa oo si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana loo galbiyay xarunta Madaxtooyadda oo ay kulan la yeesheen Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Madaxweyne Siilaanyo ayaa weftigan ku soo dhaweeyay xafiiskiisa oo ay yeesheen kulankii ugu horeeyay, waxaanu sheegay inaanay ahayn dad qariiba ee ay yihiin kuwo yimid dalkoodii labaad, waxaanu xusay inay u soo dhaweeyeen walaalnimadda iyo iskaashiga ay yeesheen.
Agaasimaha guud ee shirkada DP World waxaanu si balaadhan uga mahadnaqay soo dhawayntii Berbera ilaa qasriga madaxtooyada, isagoo arrintaa ka hadlayay waxa uu yidhi, “Madaxweyne waxa aanu kaaga mahadnaqaynaa qaabilaada iyo soo dhawayntii balaadhnayd ee la noo yeeshay intii aanu dalka joognay .”
Agaasimaha shirkadu waxa uu ka hadlay kormeerkii ay ku sameeyeen saaka dekeda caalamiga ee Berbera iyo qaybaheeda kala duwan, waxaanu si gaara u amaanay masuuliyiinta iyo shaqaalaha dekeda Berbera, isagoo si gaarana farta ugu fiiqay Maareeyaha dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), oo uu ku sifeeyey nin aqoon dheer u leh dekeda uu maamulaha ka yahay, kuna habboon shaqadiisa, markuu arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi ”Waxa aanu soo kormeernay dekedda iyo qaybaheeda waxaanu ku soo aragnay shaqo wanaagsan, inay meel wanaagsan ku taallo, dadka maamulayaana ay yihiin kuwii ku habboonaa shaqadaasi. Waxa kale oo aanu soo aragnay dekad ku taalla meel istaraatiiji ah, oo ah dekedii aanu rabnay in aanu la macaamilno.”
Markii laga soo baxay xafiiska madaxweynaha, waxa wada jir saxaafada ula hadlay Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha guud ee shirkada DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem.
Wasiirka ayaa ka waramay in weftigani yahay wefti balaadhan heerkiisuna sareeyo, kana socda shirkada DP World, waxaanu sharaxay qorshaha iyo himilooyinka laga leeyahay dekedda caalamiga ah ee Berbera.
“Somaliland iyo Dalka imaaraadka Carabta, waxay leeyihiin xidhiidh aad iyo aad u fog oo taariikhiya, ganacsi ayaa innaga dhaxayn jiray muddo badan, dad badan oo reer Somaliland ah ayaa degan oo ka ganacsada oo qaarkood ay leeyihiin dhalashada Imaaraadka,”ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire, waxaanu intaas ku kabay “Waxaan soo dhawaynaynaa maalgashiga Berbera, dhismaha iyo horumarka Berbera.”
“Waxa la socda qeybta ganacsiga xorta ah lagu sameeyo (Free Zone) oo la mida sida qeybta Jabal Cali ee ku taalla Imaarada Dubai. Waxa kale oo ku lamaan Isfahan guud oo aanu kala heshiinay shirkadaas, kana mid yihiin wadada isku xidha Berbera iyo Wajaale, beeraha, tamarta, xagga shaqo abuurka oo labada dhinacba faa’iido u leh. Waxa kale oo aanu kala hadalnay, dal ku galka ay ganacsatadeennu isticmaali doonaan oo ah sharciga ay dalkaa ku geli karaan kuna joogi karaan, waxanay naga ballan qaadeen inay arrintaa ka hawl-gelayaan, codsina u qadimayaan amiirka dalkaasi, sidii loogu fudaydin lahaa arrintaas,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.
Wasiirku taxay ahmiyadda heshiiskan waxaanu yidhi “Heshiiskani waxa uu dhiirigelinayaa dad badan oo danaynaya inay dalkan maalgaashadaan, marka dalka la maalgashadana shaqo ayaa ka abuurmaysa, taasina waxay innoo suurto gelinaysaa inaynu maarayno dhallinyarro badan oo kuweenna ah oo shaqo la’aan haysato, taasoo ah mudnaanta dawladan.
“Mashruuca wejigiisa hore waa laba qeybood. qeybi waa dekedda iyo waxa laga qabanayo, waxana weeyi in la balaadhiyo, lana tayeeyo ee maaha uun waa la maamulayaa oo maamulka dekeda hore innagu waynu ku fillan nahay.Waxase weeye in dekedda la waynaynayo oo lagu darayo 400M mark hore, iyadoo marka dambana lagu dari doono 400M oo kale. Mar uu ka waramayey shaqaalaha dekedda iyo mustaqbalkoodu sida uu noqon doono, wasiirku waxa uu yidhi “Shaqaalaha ka shaqeeya dekeddu sidooda ayey uga shaqaynayaan.Arrintaa dhawr jeer ayaanu waydiinay waxanay sheegeen in shaqaalaha dekeda wax ku kordha mooyaane aanay waxba ka naaqusmayn. Markay arrintaa ka hadlayeenna waxay yidhaahdeen in markii ay dekedda Jabuuti ka hawl-galeen shaqaalihii joogay wax ku kordhay mooyee aanay waxba ka naaqusmin.
Ugu danbayn Wasiirka Arrimaha dibadda waxa uu u soo jeediyay shacbiga inay soo dhaweeyaan heshiiskan oo uu ku sifeeyay mid albaab dhaqaale iyo mid siyaasadeedba u furi doona Somaliland.
Dhiniciisa waxa hadalkii la wareegay agaasimaha guud ee shirkada, Sultan Ahmed Bin Sulayem, waxaanu yidhi “Waxa ii farxad ah sharafna ii ah in aan idinla joogo Hargeysa. Waa socdaalkaygii ugu horeeyey, dareen I taabtay ayaan kala kulmay, manaan moodayn in dalkani intaa leeg yahay, waanan rumaysan kari waayey.”
Agaasimaha DP World waxa uu intaas ku ladhay “Socdaalkayagu waxa uu na geliyey kalsooni, waxa aanu ogaanay inay dekedani ay tahay tii ku habboonayd heshiiska taariikhiga ah ee aanu galnay, annagoo ka wakiila dawlada Isu-tagga Imaaraadka Carabta, heshiiskan oo ah mid ay wada galeen labada madaxweyne ee labada dal, markuu madaxweynuhu nagu soo booqday halkaas,.Waxaanu labadayada dhinac ku heshiinay in aanu dekeda Berbera ka qaadno sida ay tahay, kana dhigno deked caalamiya oo casriya oo leh aagga ganacsiga xorta ah iyo qaybaha la dhigo qalabka dekedaha. Waa heshiis dhex maray laba dawladood, Imaaraadka iyo Somaliland iyo ummadahooda oo ay ku jiraan ganacsatada labada dhinac.”
Wuxuu bogaadiyey agaasimuhu mawqica juquraafi ee dekeda berbera, waxaanu yidhi “Waxa aanu aaminay halka Illaahay dhigay dekedda Berbera ee ay dunida kaga taallo inay tahay meel wacan. Waxa kale oo aan ku faraxnay sida wanaagsan ee ay ugu xidhan tahay Itoobiya oo ku habboon koboca dadka iyo dhaqaalaha Itoobiya oo ay tahay dekeddii ku habboonayd inay u adeegto dadkaa tirada badan.”
Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Qeybta dekedda ee xorta ahi waxay noqon doontaa qeyb ganacsatada caalamka soo jiidata”. Wuxuu u gudbay inuu ka waramo shirkada DP World iyo Awoodeeda, isagoo arrintaa ka hadlaayayna waxa uu yidhi “Waxaan leenahay 30 sannadood oo khibrad dhinaca dekedaha ah. Waxaan maamul ku leenahay dekedo gaadhaya 77 dekadood oo ku yaalla 40 dal oo dunida ah gaar ahaan Afrika, kana mid yihiin Jabuuti, Masar, Algeria iyo Senegal iyo kuwo kale ”.
Weftigan balaadhan waxa dalka keenay oo hogaaminaayey Safiirka Somaliland ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta Amb. Baashe Cawil Xaaji Cumar, oo isagu intii la magacaabay xoojiyey xidhiidhka labada dal, waxana weftiga ku soo dhaweeyey magaalada Berbera, Wasiirada,Arrimaha dibeda, madaxtooyada, Maareeyaha Dekeda Berbera,iyo Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Saaxil.”
.